Uncategorized

Cowke gabadhiisa Fanaan ma noqon Cadeen Uu bixiyay Wariyaha

iftineducation.com – Axmed Xasan Cowke Oo ah Wariyaha caanka ah ayaa ka hadlay  gabadh uu dhaley oo magaceeda lagu sheegay Nimco ay noqotey Wakhtigan fanaanad,
Wariye Axmed Xasan Cowke guud ahaanba warkaasi waxa uu ku sheegay in aanay waxba ka jirin isagoo xusey in uu ixtiraam weyn u hayo guud ahaanba bahda fanka ee Soomaaliyeed.
Mr.Cowke ayaa xusay in uu jecel yahey asal ahaanba fanka haseyeeshee aanay waxba ka jrin in gabadh uu dhaley oo lagu sheegay  in ay ku sugan tahey Wadanka Swden ay wakhtigan noqotey fanaanad,
Wariye Cowke sheegay in aaney jirin habayaraatee gabadh uu dhaley oo ku sugan dalkaasi Gabadha uu dhaley iyo caruurtiisa kalena ay k sugan yihiin London.
Dhawaan ayaa warbaahinta lagu baahiyay in gabadha Cowke ay noqotay fanaanad dhawaan muuqaal soo saartay balse magac ahaan qaadatay magac aan ahayn midka saxda ah.
Fanaaniinta dhawanahan soo badanayay ayaa badanaa waxa ay noqdeen kuwa shaki badan dhaliyay taasi oo dhalisay shakiga la xiriira in gabadha cowke ay magaceeda qarsatay fanaanadna isku badashay.






RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA