Uncategorized

Askarigii cadaanka ee Ferguson oo shaqada ka tagay

iftineducation.com – Askarigii bishii Agoosto ku dilay magaalada Ferguson ee dalka Marayakank wiil madow oo aan wax hub ah sidan, ayaa shaaciyey inuu shaqada isaga tagayo.


Todobaadkan ayey maxkamada Maraykanka sheegtay in aan la maxkamadeyn doonin Askarigaasi lagu magacaabo Darren Wilson.


Wuxuu askarigan sheegay inuu isaga tagayo shaqada, xili ay weli sii socdaan banaanbaxyo looga soo horjeedo dilkii uu u geystay wiil lagu magacaabo Michel Brown oo 18 sano jir ahaa.


Askarigan oo weli ku adkeysanaya inuusan wax danbi ah gelin ayaa sheegay inuu iskiisa u go’aansaday inuu shaqada isaga tago.


“…go’aankaani oo ahaa mid aad u adag maadaama shaqada askarinimada ay tahay mida kaliya ee nolosheyda aan rabay inaan noqdo…” ayuu yiri Askarigan oo wareysi siisyey  jariirada St.Louis Post-Dispatch.