Uncategorized

65 jir isku dayay inuu kufsado 10 jir oo iska difaacday: Video

iftineducation.com – Oday waayeel 65 sano jir u dhashay dalka Kenya ayaa weerar ku qaaday gabar yar oo da’deedu tahay 10 jir, xili uu damcay inuu kufsado, hase ahaatee gabadhaasi ayaa soo gaaray dhaawacyo culus, waxaana lagu dabiibayaa xarun caafimaad oo ku taal magaalada Nyeri ee dalka Kenya.


65 jirkan ayaa gabadha kusoo weeraray Baangad, si uu u fara xumeeyo, hase ahaatee gabadhaasi oo geesiyad aheyd ayaa isku dayday in ay iska difaacdo, waxaase nasiib daro soo gaaray dhaawacyo.65-jir-kufsi


Odaygan ayaa la filayaa in maxkamadda la horkeeno si loogu qaado ciqaabta uu u geystay gabadhan yar.


RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA