Uncategorized

Astaamaha lagu garto Uurka Bilaawgiisa.

iftineducation.com –  Calaamadaha uurka lagu garto maahan kuwa qoraal lagu soo koobi karo balse Shabakada Iftineducation.com oo dooneeysa ineey wax yar ka turxaan bixiso Astaamaha lagu garto uurka bilaawgiisa.
Hadaba uurka oo ah mid aanan marnaba qarsoomi karin , ayeey hooyadu dareentaa guul soo dhawaatay waqtiga ay dareento uurka bilaawgiisa, waxay durba ku fakartaa Nolosheeda iyo farxadaha ka danbeeya markuu Alle awlaad ku maneesto , inta badan haweenku waa kuwa aqoon uleh waqtiga uu UUR-ku bilaabanayo balse Hooyada cusub ayaan doonayaa inaan u ifiyo tooshkeeyga inta uu arkayo.
Uurka waxaa lagu dareemaa in Haweeneydu subaxdii matagto iyadoo lawada dareemi karo mar hadii xawada aabaha iyo hooyadu ay midoobayaan halkaasna ay ka abuurmayaan ubud waxaa hooyada kusoo kordhaya hilib ku beermaya jirkeeda waxase haweeneydu dareemeysaa lalabo asbuuca ugu horeeyo ilaa kan xigaba.
Astaanta ugu weyn oo inta badan lagu dareemo uurka bilaawgiisa waa Caadada oo istaaga, sababtoo ah xawadii oo u gudubtay ila galeenka ayaa dul maraysa ugxansidaha kaasoo sugeysa ugxan so baxa , taasi oo soo bixineysa ila galeenka dubka rogta xiliga caadada, hadaba waa suura gal in Galmadu dhacday kahir intya aysan gabadhu dhiiga caadada ka imaan. badnaa dumarku ma garanayaan mana sahlana ineey rumeestaan waa UUR .
Mida xigta , badana waxaan naqaanaa Calool soo buurata midkaas ayaana dhahnaa UUR ayeey leedahay balse uur jiifka casloosha laga dulgaran maayo ilaa bisha afaraad ama shanaad la gaaro wixii ka horeeyana waxaa si aayar ah usameesmaya Cunuga ilaa uu soo muuqdo.



Ataamaha Lagu Garto Uurka Bilowgiisa.