Uncategorized

Taksiile lama arag iyo lama maqal ku dhigay Lamaane Ingiriis ah oo Taksigiisa fal falxumo ku dhex sameeyay(Daawo Muuqaal+Warbixin)

iftineducation.com – Saxaafada dalka Ingiriiska iyo kuwa ka soo baxa dalka isku taga Imaaraadka Carabta ayaa maalmahaan waxeey raaxada iskaga qaadeen Dacaayad xad dhaaf ah oo labada dhinac aan weli horay u dhex marin. ” Sharciga iyo Shareecada dalka ayaan ilaalinayaa ee ma rabo Lacag oo kaliyah ayuu yiri Taksiile baxar weeyn galiyay Lamaane Ingiriis iyo Irish ah.


Gabadha lagu magacaabo Rebecca Blake oo 29-jir ah una dhalatay dalka Ingiriiska ayaa waxeey is barteen ninka lagu magacaabo Conor McRedmond oo u dhashay dalka Irland waxeeyna isku barteen goob lagu magacaabo Irish Pup oo ku taal magaalada Dubai.

Muwaadiniintaan u dhashay dalweeynaha Briten ayaa waxa ay ka dhergeen Qamriga lagu magacaabo Whisky kuwaas oo xili dambe u yeeray Taxi ay doonayeen in uu gaarsiiyo magaalo kale. Intii ay Tax-siga saarnaayeen ayay dharkii iska dhigeen waxeeyna ku dhex suubiyeen Taxi-ga dhexdiisa Gogol dhaaf ama waxa loo yaqaan galmada.


Ninkii Taksiilaha ahaa oo lagu sheegay shaqsi Wadani ah waxa uu si deg deg ah ugu yeeray Ciidamada Booliska isaga oo kula hadlay Luuqada Carabiga kuwaas oo si deg deg ah goobtaas ku soo gaaray intii ay ku jireen Lamanahaas fal falxumada.

Rebecca Blake iyo Conor McRedmond iminka waxaa loo taxaabay Xabsiga waxaana lagu qaadayaa Sharciga dalkaas oo dhigaya ugu yaraan 3 sano oo Xarig ah.Saxaafada dalka Ingiriiska oo difaaceeysa dadkaan lagu soo eedeeyay Fal falxumada waxeey leeyiihiin Muwaadiniin u dhalatay dalkeena ayaa Sharafta looga dhacay iyaga oo ku sugan magaalada Dubai.
Inta badan Wadamada Carabta iyo dalal badan oo ku yaal qaarada Asia gaar ahaan Dunida Muslimka ah waxaa Mabnuuc ka ah in Raga iyo Dumarku galmood ku dhex sameeyaan gaadiidka dadweeynaha balse Qaarada Yurub qofka inuu xishoodo mooyaanee Sharci qabta ma jiro.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com