Uncategorized

Ma Tahay Nin Rag Ah Oo Ma Is Hubtaa? Kaliya Qodobadaan Samee

iftineducation.com – Waxa aan ka hadlayaa sida uu ninku ula dhaqmi lahaa reerkiisa. Waana sidan soo socota:

– In aad reerkaaga ula dhaqmato si ay ku jirto raxmad iyo jaceyl.
– In aad tahay reerkaaga mid had iyo jeer ka warhaya.

– in aad ka caawiso reerkaaga shaqada guriga, marmarna aad qabto howsha guriga. Sida aad ogsoontahay  waxa eey ku dhisantahay wax walba isla qabasho.

-Ha ka dheeraan reerkaaga oo mar walba lajoog. Maqnaanshaha aad ka u fara badan waxa uu keenaa dhibaato aan la soo koobi karin.

– Haka careeysiin reerkaaga wax walba oo dhaca. Noqo kii ku wadan lahaa reerkiisa maskax iyo dulqaad.

-Kala  tasho xaaskaaga wax walba oo ku soo kordha  guriga . Iyada beey kujirtaa horumarka iyo wanaagu.

– Haka daahin reerkaaga marka aad ka soo baxdo shaqada, meel aad kunasato waxa  ugu roon xaaskaaga iyo caruurtaada dhexdooda.

– Isku qurxi xaaskaaga sida ay iyaduba Iskug kaa qurxineeyso.

-Mar walba oo aad imaaneeyso xaafada u soo qaad  xaaskaaga haadiyad ha weynaato ama ha yaraato,e. Waxa aad u soo iibiso, waxa ay ka turjumaysaa in aad ka fikirtay xaaskaaga. Maha muhiim waxa aad soo qaadaysaa ee muhiimadu waa in aad ayada ka fikirtay.

– Dareensii in aad iyada maahee aad qofkale jecleyn.

– Ku beer nafsada gabadha aad qabto kalsooni badan.