Uncategorized

War Shaqadaada Yeesan Kaa Mashquulin Lamaantaada ! Afar Hab Oo Aad Mar Kale Ugu Dhawaan Karto Ayaan Ku Haynaa.

iftineducation.com – Mar waliba waxaad mashquul ku tahay shaqadaada , xitta marka aad ka timaado waxaad horay u soo qaadaneysa feelasha shaqada ama waqti badan ayaad ku qaadataa Kumbiyutar-ka , hadaba si tar tartiibi ayaad kaga mashquuleysaa xaaskaada hadaba ninyahoow taladaan qaado .

1- La hadal xaaskaada una qir in xariirkiina aad si uga mashquushay una sheeg in aad dadaal ugu jirto in aad dib u soo celineyso isu dheeli tirnaanta shaqaadada iyo muhiimada guriga.

2- Waqti u xadid lamaantaada , idinka oo ka fog dhamaan qalabyada Internet-ka kaliya diiradda saara is xog wareysigiina iyo xoogaa kaftan ah.

3- Todobaadkii hal habeen u qoondeey in aad banaanka ka soo wada casheysaan si kulamadii jaceylkiina u soo xasuusataan idinka oo ka fog jawiga shaqada iyo guriga , .

4- Ma waliba xasuusnoow in nolosha ka weyn tahay shaqada , xasuusnoow in aad la soo xariirtid marka aad shaqada joogto una sheeg in aad u xiistay.