Uncategorized

Talada Aqristaha Iyo Qormada Todobaadka” Qalinkii WaaSuge”. !!

iftineducation.com – Salaamulaahi Calaykum: Dhamaan Saaxiibada Qiimaha Badan Meel KaSta Oo Aad Ku Sugan Tahayba Waaan Kuu GaCan Haatinayaa Ku Soo Dhawaada ‘Qormo Gaaban Iyo Qalinkii WaaSuge’ IsbuuCaan Waxaad Qayb Ka Ah Qormada Taladiina Oo Ahmiyad Buudhan La Siin Doona Jawabtiina InSha Allah.

‘Dhaxalka Qisada IsbuuCa Gabar Soomaaliyeed MagCeeda Ku Soo Koobtey “ISMAHAAN”.

Aqristoow aalaaba barnaamjikaan ‘Qalinka WaaSuge’ Waxaan idin kugu soo qaadanaa qisooyin kuwooda kooban oo aan isleenahay markaa wax uun bay ka bidhaansan karaan bulshada soomaaliyeed ee ku kale nool dunida daafaheeda gaar ahaan kuwooda u dhuun doleelaha arimaha bulshada iyo wanaaga Qoyska.

Isbuucaan waxaan ku soo qaadanayna hadii Allaha Awooda sare leh raali ka ahaado qiso ay ina soo gaar siisey walaasheen soomaaliyeed xili aay inaga codsatay inaan adinka idiin bandhigo si aad uugu caawisaan taladiina iyo tubta aad isleedahiin waay kaga xal gaadhi kartaa dhibaata haysata ee ku kaliftey talo raadinta.

Tallo waa tii Rabbi oo waxii uu raali ka yahay ayaa suura gali doona hadana dadaalku kama marna nolosha taladuna had iyo jeer adiga ayaa ku tiirsane ayadu waa kaa maarantaan bay soomaalidu tiraahdaa, bal aan markaana guda galo soo gudbinta qisada oo kooban is aad u macno fahantaan una siisaan talada wanagsan.

ISMAHAAN:Waxa aay leedahay waxaa jirey wiil aanu hada ka hor wada socon jirney ama uu naga dhaxayn jirey xariir jaceyl oo ugub ah, waxuu ahaa bay leedahay wiilkii ugu horeeyey aan ku qaabilo qalbigeyga, waxa aay intaa raacisey in wiilkaas waqtigii dhaxdooda ahaa uusan marnaba jirin wax qilaaf ah iyo xumaato ah oo kale dhax gashay, ugu danbeytii Ismahaan waxa aay leedahay wiilkii asaga ahaa waxaa soo galay safar dibada ah isla markaana wuu baxay oo waxuu iiga tagay inaanan wacadka bur burin labadeenuba waana balanay.

“Tallow Maxaa Ka Danbeeyey Balantii Iyo WaCadkii La Wada Galay MaSe Wada Hir Galeen”. ?

Ismahaan waxa aay leedahay mudo badan baa ka soo wareegatay kala maqnaashaheena waqtiguna waxa uu noqdey mid daba dheeraada,waxaan waayey war iyo wacaal lagaba yaabe inaan ka quustey oo aan aaminey inuu dhintey ama iga dheeraday oo iska iloobey wacadkii iyo balantiii aan wada dhiganay waana ka sabrey.

Waxaan dib u cusbooneysiisay nolosheyda oo waxaan la jaan qaadey aduun cusub aniga oo mar kale u sahan tagay xulashada gayaanimo waxaan gacanta ku dhigey ruux dhab ahaan ii badalay jaceylkeygii hore oo kuma aanan hungoobin bay leedahay sahankaygii cusbaa, inta badana waxaan salguurey jaceylkeygii hore.

Waxaan go,aan ku gaarey inaan iska iloobo gabi ahaanba noloshii iyo jaceylkii qabyada ahaa wallow inta badan maskaxdu gocanayso waayo qof aadan nolol iyo geeri ka war qabin waa dhibaato iyo culeys kale. Ayaamahu dhamaan way wada wanaagsan yahiin mana laha wax dhaliil ah iyo dhakafaar amaba shalaay.

“Maxay Tahay Dulucda Iyo Sababta Aay Ismahaan Inooga CodSatay Talada AQristaha”. ??

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa dib dalka ugu soo laabtey wiilkii aan horey isu naqaaney oo wacadka iyo balanta inoo dhaxeeysay, waxuu soo baadi goobey deegaankii aan ku noolayn gaar ahaan xaafadeeni waxuu yimid guriga asaga oo iraadinaya, kolkii aay indhahaygu qabteena waaan farxay waanan ka naxay labadaba. Is waraysi dheer iyo dhibaatooyin fara badan ee uu soo maray ayuu iga sheekeyey ugu danbeyntiina waxa uu igu soo xirey su,aal ah “Maka Soo Baxday Balantii Iyo WaCadkii Aan Kula Galay Sideyda Oo Kale MaSe Waad Bur Burisay Oo Waad Iga TaShatay Abaayo Ismahaan”. ? Waa Su,aal Intii Aan Dunida Ku Noola Iigu darned, Waxaan u waayey jawaab deg deg ah waxaana is daal ku jiro ku iri walaal wali sidii baan soo dhawaaw ku leeyahay, waanan ku sugaayey ilaa waagii, runtii xagiisa uma aysan dhimanayn farxad iyo rayn rayn laakin aniga korkeyga waxaa hareeyey dhidid iyo naxdin waxaan dhibsanayey ila soo joogitaankiisa.

Macanahaygu maahan inaan nacay laakin waxaan ka carari jirey waligeey inaan nabsi ka galo qof bani aadam ah laakin haatan ayaan dhaxda ka joogaa, labada wiil isku wada heli karo mid kastaahi wuu isoo wanaajiyey waxaan talada kuu waydiistey ayaa ah walaallkeyga soomaaliyeedoow “Yaa Mudnaanta Leh Labadaan Wiil.?

Xagayga waan u waayey jawaab waxaan kaa codsanayaa inaad taladii aad siin laheed naftaada ama walaashaa soomaaliyeed aad isiiso ka dib qoraalkaan waxaanan qaadan doonaa go,aankiina waayo waan idin aaminay.
Qormada isbuuca iyo qalinka waasuge isbuucaan intaa ayaan kaga hari doona ‘Jawaabtaadu Waa Muhiim”.




Dhaxalka: Ismahaan
Ismail Abdi Aden “WaaSuge”
Shimali02@hotmail.Com
+27710166233