Uncategorized

Najma Qaali : Ninka aan Jeclahay waa Ajinabi Talo isiiya Ma Guursadaa?

iftineducation.com – Kadib Markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya Shacabka Soomaaliyeed waxa ay noqdeen kuwa kusoo kala firxada Daafadaha Caalamka iyagoo qaarkood la qabsaday Dhaqamada ka jira Dalka ay Markaasi ku noolyihiin. Hadbaa Najma oo Joogta Dalka Mareykanka waxa ay dhanbaalkaan soo gaarsiisey Shabakada iftineducation.com iyadoo ku codsaneeysa Talo bixin ku aadan dhanka Guurkeeda.


Najma oo tilmaamtay ineey aad ujeceshahy Nin Ajanabi ah oo ay mudo wada socdeen balse ma aysan Tilmaamin wadanka uu kasoo jeedo waxaase leedahay, Sanado badan waxaan Saaxiib ahayn wiil aan isku Iskuul ahayn oon xariir wadaag noqonay ugu Danbeeyn waxaan isku afgaranay inaan isguursano.

Waxaan Shuruud ahaan ku xiran inuu Muslim noqdo wuuna iga aqbalay balse ka fiirsasho badan kadib waxaan Akhristayaasha iftineducation.com  ka codsanayaa ineey Fikradahooda igu soo biiraan si aan ukaashado Caqligooda, Koleey anigu waxaan isleeyahay ka faa’ideeso muslimtiisa maadaama aad jeceshahayna nolosha la wadaag.


Hadaba Akhriste waxaa kuu Banaan inaad La taliso Walaashaada oo codsanaysa Tala bixin ku aadan Guurkeeda , Barta Hoose waxaa kaaga furan Meesha aad Comments-ka ka bixin Lahyd Adigoo adeegsanaya Facebook-gaaga ama Ugu soo dir dhanbaalkaaga www.facebook.com/najmiina Ama Cinwaanka hoos ku xusan Mahadsanid.





Fadlan Like Iyo Share si aad asxaabtada inTa internetka iSticmaasho ugu gudbiso Jazakallah


 ____________________________________ 
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow 
iftineducation Media Network 
http://www.iftineducation.com 
iftineducationmedia@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *