Uncategorized

Guul:Burcad K/Afrikaan dhac ugeysan rabay dukaamo Somaliyeed oo la dilay

iftineducation.com Wararka aanu ka helayno magaalada Johannesburg ee caasimada wadanka K-afrika ayaa sheegaya in tuulooyin hoostaga magaaladasi ay rasaas ay isku weydaarsadeen ganacsato Soomaali ah iyo koox burcad madow oo doneysay inay dhac u geestaan dukaamada ganacsatadasi .


Burcada Sout Afrikan ah ee weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in goobta looga dilay 2-burcad ah  halka laba kalana looga dhawacay,Wiilashii iyagu la weeraray dukaanki ay ku ganacsanayeen ayaa la xusay in rasaastii la isweydarsaday uu dhaawac fudud kasoo gaaray kuwasi oo loo qaaday cisbitaalada ku yaala magaalada Johannesburg.

Burcadaasi ayaa weerartay laba dukaan oo kala duwan oo leeyihiin Soomaliga ku ganacsatada wadanka K-afrika.

Ma cusba Boobka aan qarsooneen ee lagula dhaqaaqo dukaamada ay ku ganacsadaan Soomaalida wadanka k-afrika waxana Soomaalidu ay sameysteen hub ay ku difaacdaan goobahooda ganacsi.