Uncategorized

Duufaanta hayaan oo Soomaaliya ku dishay in ka badan 110 qofood

iftineducation.com Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ah madaxweynaha maamulka Puntiland ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo soo wajahday Puntland kadib markii roobab duufaana wata ay dada badan ku dileen deegaanada xeebaha dhaca

madaxweynaha maamulka Puntiland ayaa magacaabay guddi heer maamul ah oo u xilsaarnaan doona wax-ka-qabashada xaaladda musiibada leh ee soo wajaday deegaanadaasi oo horay looga digay in ay dabeyshu ku dhufan doonto.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inay roobabka ku dhinteen 100 qof, sidoo kalena ay ku baaba’een kumannaan xoolo ah, walina laga cabsi qabo in dhibaata intaa ka badan ay dhacdo.

Deegaannada ku dherersan xeebta badweynta Hindiya ee hoos yimaada degmooyinka Bandar-bayla iyo Eyl ayaa ugu badan meelaha uu khasaaruhu ka dhacay sida ay sheegayaan wararka hor-dhaca ah.

Faroole ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisu diyaariyay daawo, cunto iyo agab kale oo loogu gurmanayo dadka ay dhibaatadu soo garatay, isaga oo dalbaday gurmad dheeraad ah.