Uncategorized

Daawo Nin Somali-American oo cabsi ka qaaday inuu diyaarad raaco

iftineducation.com Wiil Soomaaliyeed oo cabsi weyn ka qaaday inuu ka dhoofo dalkaas Mareykanka ka dib markii loo sheegay inuu ku jiro liiska ma dhoofayaasha ama “no-fly” list ayaa waxaa uu u gudbiyey maxkamada dalkaas Mareykanka dacwad ka dhan sidii looga saari lahaa liiska ma dhoofayaasha. 

Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Guuleed Maxamed ayaa sanadkii 2011 waxaa lagu qabsaday oo lagu xirey dalkaas Kuwait isagoo u soo duulaayey magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalkaas Mareykan oo uu ku noolaa ka dib markii uu ka soo noqday safar uu ku tagey dalkaas Yeman, Ninkaas ayaa waxaa uu sheegay in xabsiga dalkaas Kuwait lagu jirdilay si xuna loola dhaqmay iyadoona dadaal dheer ka dib ninkaas laga sii daayey xabsiga dibna uu ugu soo noqday dalkaas Mareykanka iyadoona wixii markaas ka dambeeyey uu ninkaas Soomaaliga ah uu cabsi iyo baanarooyo uu ka qaaday inuu ka dhoofo dalkaas Mareykanka, Ninkaan ayaa sheegay inuu cabsi iyo baqdin weyn uu ka qaaday inuu isku dayo inuu ka dhoofo dalkaas Mareykanka asagoon sheegay inuu maqlay dad laga soo celiyey airopoorada ka dib markii ay isku dayeen inay dhofaan laana sheegay inaysan ka dhoofi karin dalkaas islamarkaana ay ku jiraan “no-fly” list sidaas awgeedna uu billaabay inuu si sharci ah uu ku raadiyo in laga saaro liikskaas si uu si xoriyad ah oo aan cabsi ku jirin uu uga dhoofi karo uguna soo noqon karo dalkaas Mareykanka.



Halkaan Ka Daawo Muuqaalka: