Uncategorized

Daawo Muqaalka:Qabrigii Soomaaliya ugu qaalisana oo Lagu iibsaday Lacag dhab 5000 Dollar(Layaabka Aduunka)

iftineducation.com Qofka banii,aadamka ahi markii la hubsado inuu dhintay, waxaa la dul saaraa go, taasoo micnaheedu yahay inaan dib loo arki doonin. Waxaana durbadiiba la gudagalaa sidii loo fulin lahaa shuruudda 4ta ah ee Shareecada islaamka ay ku waajibisay ehelka maydka, kuwaasoo ah.

1- In la dhaqo, lana udgiyo maydka,
2- In la karfano maydka,
3- In maydka lagu tukado salaadda janaasada,
4- In la duugo maydka.


Waajibaadka kor ku xusan ma ahan farlul cayn waajib cid walbo saaran, waa farlul kifaaya, waa waajib in aaska maydka ku filan haddii la helo inta kale xil kama saarno.

Reer Muqdisho waxay dhihi jireen: “Dhulka waxaad ku leedahay 2 mitir oo ah rabta dhinacaada midig la dhigaayo marka ruuxa kaa baxo”, marka ay aaska ka soo laabtaanna waxay dhiri jireen: “Hebel wuxuu u hoygay caawa mininkiisii runta ahaa”.

Sannadadii 1960kii ilaa 1978dii, maydadka reer Muqdisho waxaa lagu aasi jiray Xabaalaha Degmada Wardhiigleey oo haatan loo yaqaano If iyo AAkhiro, waxaa madax ka ahaa aun Cali Sheekh Xasan Caddoow, waxaana lahayd dowladda hoose ee Muqdisho.

Hase yeeshee, 15.10.1969kii, waxaa qaranka asiibtay dhacdo murugo iyo naxdin badnayd oo lama filaan ahayd, waa dilkii AUN Madaweynaha dalka Dr. Cabdrashiid Cali Sharmarke ee uu fuliyay askarigii ilaaladiisa ka mid ahaa oo la dhihi jiray Saciid Yuusuf Dheere. Kana dhacay Laas Caanood.

Guddi aas qaran oo ay magacawday xukuumaddii ku-samaha ahayd (acting government) ee aun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu go,aamiyay in madaxweynaha lagu aaso meesha uu hadda qabirigiisa ku yaalo oo loo asteeyay xabaalo qaran (national cemetery) oo lagu aaso madaxda qaran, halkaasoo ahayd dhul bannaan.

19kii Oktoobar 1969kii, waxaa la gudagalay diyaarinta xabaalka. Hase yeeshee, waxaa hawshii xannibay rag fallaaro wato oo ku doodaayay inay goobtaasi lahaayeen, ayadoo ismoogaysiinaayay in dhulka ay dowladda leedahay ama ciddii ay si sharci ah u siiso.

Ra,iisul Wasaare Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo maydka in lagu dul murmo diiddanaa, wuxuu fallaarleydii (arrowmen) siiyay 30.000 shilin Soomaali una dhigantay xilligaa 5.000 dollar bacdamaa heerka sarrif (exchange rate) uu ahaa $ 1=6 shilin. Falkaas baadka ahaa oo isbaarada loogu dhigtay maydkii madaxweynaha wuxuu hordhac u ahaa musiibadiiku habsatay dalka 43dii sannadood ee la soo dhaafay.

Maydkii Dr. Cabrashiid haddii lagu duugi lahaa mowlacii sheekhiisa Muxyaddiin Celi ama Ceelcirfiid iyo Caliyaalo, waxaa lagu sagootin lahaa shirib loogu ducaynaayo. Sannad walbana la siyaara lahaa.

Maalintii qabrigiisa in la qodo la is-hortaagay waa dhacdo murugo badan oo inta aan noolahay qalbigaygaka go,i doonin. Waxaase nasiib wanaag noqotay in 3 maalmood kaddib uu Maxamed Siyaad Barre raggii fallaarleyda ahaa ka soo celyay 30.000kii kun oo ay xaqdarrada ku qaateen oo aysan calfanin, magacxumidana ay ka raacday. Weliba ayadoo fallaarleydaasi ay ogsoon yihiin xanuunka uu leeyahay mayd la yiri halkan lagu aasi maayo.