Uncategorized

Ciidamada itoobiya oo ku biiray Howlgalka amisom ( sababta maxey tahay)…..

iftineducation.com Ciidamada Itoobiya ee hadda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in hadda ka dib ay ku howlgalayaan magaca AMISOM taas oo ay horey u diiday dowladda Itoobiya oo hadda ka horsheegtay in ciidamadeedu ay ku egyihiin caawinta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isla markaasna goobaha ay kala wareegaan Xarakada Al-shabaabay ku wareejinayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, sida warkani sheegayo R/wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in saraakiil katirsan ciidamadiisa iyo madax ka tirsan dalalka IGAD ay isku afgarteen in ciidamadda Itoobiya ee Somaliya ku sugan ay ku biiri doonaan ciidamada AMISOM ee ka howlga Somaliya.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in warkani uu u sheegay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo ay isna ciidamo ka joogaan dalkiisa dalka soomaaliya kuwaas oo ku howlgala magaca AMISOM, waxaana la sheegay inuu warkaasi u sheegay Madaxweyne ku xigeenka Kenya xilli uu xaafiiskiisa ku qaabilay gudaha magaalada Addis Ababa maalintii shalay aheyd.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhinaca kale sheegey in ay jirto halis cusub oo kasoo fool leh Alshabaab sida uu yiri, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in sida wadajir ah looga wada hortago, wuxuuna sheegay in hadda kadib ay ciidamada itoobiya iyo kuwa Kenya ay si wadajir ah ula dagaalamayaan xarakada A-lshabaab.

Hadalka ka soo yeeray R/wasarha Itoobiya ayaa waxaan la ogeyn waxa uu ku soo kordhin karo howlgalka Ciidamada AMISOM maadaama ay markii horeba joogeen gobolo badan oo ka mid gobolada dalka soomaaliya ,iyadoo sidoo kale uu hadalkaasi ku soo aadayo iyadoo ilaa hadda la ogeyn tirada rasmiga ah ee ciidamada itoobiya ka joogta gudaha dalka soomaaliya,mana jirtowaxa war ah oo arrintaasi ku aadan oo ka soobaxay dowladda soomaaliya iyo qaramada midoobay iyo midowga afrika midna.