Uncategorized

Sirdoonka Ingiriiska oo Baadi Goobaya 60 Ruux Soomaali oo Xiriir La Leh Al-Shabaab

iftineducation.com Sirdoonka dalka Ingiriiska MI5 ayaa sheegay in gudaha waddankasi ay ka baadi gobayaan ku dhawad 60-qof oo Soomaali ah kuwasi oo xiriir dhow la leh kooxda Al-shabaab.

Saraakil u hadashay wasaarada arimaha dibada dalka Ingiriiska ayaa shegay iyagoo warbahinta la hadlay in ay jiraan liis cusub ay sirdoonka soo sareen oo ay ku sheegayaan tiro Soomalai jihad doon ah oo shirqoolo ku maleegaya gudaha wadankasi.

MI5 waxa ay sheegtay in horey liiska ay ugu jireen 40-qof oo Soomaali ah balse hada lagu soo biiriyay 20-kale. Baadi goobka shaqsiyaadkasi ayay tilmaamen inuu ka soconayo gudaha wadanka Britain.