Uncategorized

Kansarka Naasaha Oo Daawo Loo Helay

iftineducation.com Khubaro u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inay ku hawl jiraan sidii ay daawo kansarka naasaha haweenka ku dhaca uga samayn lahaayeen hab-dhiska difaaca cudurrada ee uu leeyahay libaax-badeedku…

-Khubaradani waxay xuseen inay muddo 25 sanno ah ku daba jireen siday daawo fiican oo wax ka tarta kansarkan aafeyey haween badan oo dunida ah ugu soo saari lahaayeen daawo, waxaanay tilmaameen inay hawlgalkooda ka gaadheen guushii ugu horraysay.

-Jaamacadda Aberdeen Univeristy oo cilmi-baadhistan diyaarisay, ayaa rumaysan in hab-dhiska difaaca cudurrada libaax-baddeedku uu yahay ka kaliya ee lagaga jawaabi karo in daawo loo helay cudurka kansarka ee asiiba naasaha.

-Dhakhaatiirtu waxay libaax-badeed ku tijaabiyeen, kuna mudeen booratiin la yidhaa HER2, kaasoo fadhiista oogada unugyada uu kansarku ku dhacay, dedejiyana koriinka unugyada kanasarka, waxaanay u fiirsanaayeen sida uu Libaax-baddeedku isikaga difaaco.