Uncategorized

Godane, Rooboow & Xasan Daahir iyo abaabulka weerarkii West Gate Mall

iftineducation.com Warxibin ay sii daayeen laamaha amaanka dalka Kenya ayaa kagu sheegay in horaantii sanadkaan Axmed Godane uu qabtay kulan ka dhacay dalka Somaliya , kasi oo looga hadlayay mihiimada weeraro lala eegto dalka Kenya.

Waxaana Axmed Godane la dul dhigay lacag gaareysa 7 Milyan oo doolar oo la siinayo dadka soo sheega warbixintiisa.

Godane oo ku dhashay waqooyiga Somalia, ee loo yaqaan Somaliland ayaa hogaaminayay Alshabaab tan iyo sanadkii 2008.

Wuxuu wax kusoo bartay dalka Pakistan isagoo markii dambe gaaray Afganistan wuxuuna xiriir la sameeyay Alqacida oo uu hogaaminayay Sheikh Osama Bin Laden.

Markii uu kusoolaabtay dalka Somaliya wuxuu aasaasay galabkii waqooyi ee Al Itixaad, kaasi oo ay aasaaseen Mujaahidiin kasoo laabatay dalka Afganistan, wuxuuna kadib aasaasay kooxo kasoo horjeeda danaha reer galbeed, geystana Afduubyo iyo dilalka dadka reer Galbeedka.

Kadin Godane ayaa ku biray midowgii Maxakiimta Islaamka kasi oo markii dambe kala jabay wuxuuna raacay dhinacii uu hogaaminayay Aadan Xaashi Ceyrow.

**********

Sheikh Muqtaar Roobow iyo isbahaysihii Abu Mansuur

Ku xigeenka hogaamiyaha Alshabaab

Warbixin ay baahisay hayada sirdoonka Kenya ayaa dhahaysa Sheikh Muqtaar Roobow iyo Xasan Daahir Aweys oo gacanta dowlada ku jira ayaa gaaray deegaan ka tirsan gobolka Gedo iyaga oo ka dhaqaaqay deegaanka Ufurow ee gobolka Baay Bishii Maarso 22-kedi.

Waxay ku qabteen kulan iyaga oo gaaraya 50 hogaan halkaasi oo ay kaga doodeen sameynta tababaro iyo qorshe lagu qaadayo weeraro ka dhacaya Degmooyinka Mandheera, Wajeer, Gaarisa, Mombasa iyo Nairobi oo dhamaan Kenya ka tirsan.

Kadib hayada FBI-da Mareykanka ayaa dul dhigtay Muqtaar Roobow 5 Milyan oo doolar.

Roobow, oo ahaa kuxigeenka hogaanka Alshabaab ayaa sidoo kale ahaa afhayeenkii ururka.

Wuxu kamid ahaa dadkii aasaasay Alshabaab, wuxuu ka yimid magaalada Baydhabo oo ka tirsan gobolka Baay.

Roobow ayaa hergeliyay xeradii ugu horeysay oo lagu tabararo islaamiyiinta Somalia ee Al Hudda oo ku taal degmada Xudur sanadkii 1996. kadiba sanadkii 2000 ayuu ka tagay dalka Somalia oo uu tababar u aaday Afganistan.

Wuxuu kusoo laabtay dalka Somalia kadib markii ay dhacday awoodii Taliban ee dalkaasi. Sanadkii 2003 wuxuu caawiye ka ahaa aasaaskii Alshabaab.

***********

Sheikh Axmed Imaam Cali.

Marka loo eego warbixinta hayada sirdoonka Kenya, Axmed Iimaam kaasi oo ugu magacaaban Alshabaab  hogaamiyaha dagaalyahanad ka yimaada Kenya ee Somalaia ku sugan, wuxuuna kamid ahaa dadka lagu tuhmahayo weerarkii Westgate.

Dadka kale ee la tuhmayo waxaa kamid ah Macalin Cabaas Guyo. Axmed Imaam Cali, Jan maxamed Khan oo xulufo la ahaa Abuu Muscab Al Mombasa, sida hayada sirdoonka Kenya ay sheegtay.

Sanadkii lasoo dhaafay, Imaan Cali ayaa sii daayay muuqaal uu ku ca    deynayay dagaal ka dhan ah Kenya isagoo u hadlayay Alshabaab.

************

Samantha Lewthwaite “Garoobtii Cadeed”

Warbaahinta Ingirtiiska ayaa cadeysay inay ku luglaheyd weerarkii ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.

Ma jirto cadeymo sidaasi u buuran oo ku aadan in xiriir ah la laheyd weerarka laakiiin boolsiak iyo ciidamada amaanka ayaa sheegay in Samantha Lewthwaite oo ninkeeda uu kamid ahaa afar ruux oo isku qarxiyay London sanadkii 2005 ay ku luglahyed weerarkii Kenya.

Booliska caalamiga ee Interpol ayaa amray in lasoo xero.

************

Abuu Sandheere.

Waxaa la aaminsan yahay inuu kamid ahaa dadkii soo agaasimay weerarka argagixisada ee ka dhacay dalka Kenya.

Waxaa lagu qiyaasay inuu yahay 50 sano jir Kenyan ah kaasi oo kusoo biiriyay kooxda hogaamiyihi hore ee Alqaacida Fazul Abdulla, waalidiinta Sandheere  ayaa kala ah Maasai iyo European, waxaana loo malaynayaa inuu ka baxsaday isla sabtidii markii weerarka uu ka dhacay Westgate Mall.