Uncategorized

Fadeexo Dowlada Kenya oo baareysa Askartii Bililiqeysatey dukaamadii West Gate

iftineducation.com Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay baaritaano buuxo ku samayn doonaa warar soo shaacbaxaya oo sheegaya in Saraakiil ka tirsan kuwa Kenya oo lasheegay in ay bililiqaysteen Dukaamo farabadan intii lagu guda jiray Baaritaankii Xarunta Ganacsi ee Westgate mall lagu samaynayay.


Ganacsatadii Suuqa Westgate ayaa markii ay dib ugu soo laabteen Suuqa ayaa waxa ay arkeen Dukaamo farabadan oo la boobay intii uu socday Baaritaanii ay samaynayeen Khubarada caalamiga ah oo la shaqaynayay Kooxda Barayaasha dalka Kenya sida uu daabacay Wargayska Daily nation ee kasoo baxa dalka Kenya.

Wararkaasi ayaa waxa uu imanaayaan mudo ku dhawaad hal todobaad ay baaritaano xoogan ay kasocdeen Suuqa Westgate Mall ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay Xarakada AL-Shabaab ay weerar ku qadeen kaas oo ay ku dhinteen dad farabadan.