Uncategorized

Xoogaga Shabaab oo toogtay Sheekh Axmed Garaad, oo ku biiray Dowladda Somaliya

iftineducation.com – Xoogaga Shabaab ayaa waxay xukun dil toogasho ah ay ku fuliyeen Taliyihii Ciidamada Xisbada ee Al Shabaab ee Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Axmed Garaad.

Sheekh Axmed Garaad ayaa wuxuu sanadkii hore uu ku biiray Dowladda Federalka ee Somaliya, oo Al Shabaab dagaalo ugala wareegtay gacan ku heynta Degmada Wanlaweyn.

Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inay ka soo qabatay deegaanka Kabsuumo, mar uu la socday gawaarida dadweynaha, isla-markaana uu doonaayay in uu si qarsoodi ah uu ku galo Magaalada Kismaayo.

Maxkamada Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxay ku xukuntay xukun dil toogasho ah, isla-markaana shalay galab ayaa waxaa xukunka loogu fuliyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Boqolaal ruux ayaa waxay shalay isugu soo baxayn Fagaaraha weyn ee Degmada Jilib, iyagoo daawanaayay xukunka toogashada ah ee lagu fuliyay Axmed Garaad.