Uncategorized

Xilliga Ramadaanka Madax Xanuun Ma Isku Aragtaa ? Xal Ayaan Ku Haynaa.

iftineducation.com – Dad badan ayaa ka sheegta madax xanuun xilliga ramadaanka gaar ahaan maalmaha ugu horeeya bishaan , waxaana arintaan sabab u ah arimo dhowr ah , iyadoo aan idin hayno habab aad uga fogaan karto arintaas.

Unugyada maskaxda ayaa u baahan Oxygen xanbaarsan hemoglobin halka sidoo kale unugyadaas u baahan yihiin noocyada sokorta iyo glucose-ka

Xilliga soonka hoos ayuu u dhacaa heerka sokorta ee dhiigga taasi oo uu jirka horay u baran , taasina waa midda ugu horeysa madax xanuunka ka horeeya afurka kaasi oo qofka haynaya dhowr saacadood .

Sababta ugu weyn ee madax xanuunka keena ka dib afurka ayaa ah maadaama qofka sooman uu qaadanayo cunooyin aad u badan taasi oo ay ka dhalaneyso in dhiigga si aad ugu soo shubmo dhanka dheefshiidka , waxaana sidaas ku yaraaneysa dhiigga looga talo galay in maskaxda uu yimaado sidoo kale glucose-ka iyo Oxygen-ka ayaa yaraanaya .

Sidoo kale madax xanuunka ayaa waxaa keena ciladda dhanka jiifka ee qofka sooman ku imaaneysa taasi oo deganaantii jirka iyo maskaxda saameyneysa , hadaba sidee uga fogaan kartaa madax xanuunkaasi?

1- Joogteynta Suxuurta iyo in la dib dhigo .

2- In la yareeyo wax yaabaha fir fircoonida laga qaado sida Coffe-ga ..

3- In aad qaadato qadar cunno ka kooban Vitimiin B2 kaasi oo ka hor taga madaxa xanuunka .

4- In jiifkaada ka yaraan 7-saac iyadoo dadka ka sheegta daalka maskaxda ay inta badan yihiin dadka dhafarka badan ee aan hurdin .