Uncategorized

Sheeko : Wey Isirtay ileen Waa La Qabaa !!! Qeybta 7-aad

iftineducation.com – Marki ay teleefanka ii soo dirtay Waris waxaa ka soo wareegatay nus saac saacaddu waxay qaddar 20 daqiiqa ah sii dhaaftay saddexdii ama sagaalkii galabnimo qofba siduu u yaqaano, waxaan toos u soo aaday gurigii gacalisadeyda Waris marki aan illinka hore guriga ka sii galaayo ayaan waxaan arkay saddex haween ah oo taagan ganjeelka weyn ee laga galo guriga “ALLAAH miskiin hadii ninkeedu maanta joogi lahaa ma sidaan ayay ahan lahayd’hadalkaas waxaa tiri mid kamid ahayd saddexdii haweenka ahayd ee taagnaa ganjeelka laga galo guriga gacalisadeyda Waris mid kaloo buuran oo indhuhu u xiran yihiin baa inta markeedii soo boodday tiri.

“ALLAAH maanta Waris waa sigatay Ilaahaa u gargaaray haddayba maanta naftu ka haadin” inta yaabay oo socodkii aan ku socday ee xawliga badnaa gaabiyay si aan u sii dhagaysto hadalkooda ayaan misana maqlay “Allaah naa heedhe caawa yaa u wehel yeelaya gabadha, waxaa hadalkaa tiri mid saddexaad oo aan is iri wey ugu da, weyneyd waxay ahayd qof qiyaastii kontonkii sano sii dhaaftay waana islaan dhuuban oo cas,labada gacmood ayay dhafoorada ku haysataa , muuqaal ahaan iSlaantu iguma cusba oo in badan ayaan ku arkay Nairobi,gaar ahaan suuqa loo yaqaano AMAL ee ku yaala xaafadda Islii ayay ku iibisaa dhar.

Islaamuhu sheekadoodii ayay sii wateen waxaan u holladay inaan dhageysto hadalladooda misana waxaan ka baqay inay i dareemaan maxaa yeelay middii buurnayd oo indhaha ka kuluc kulucsiinaysa ayaa dhinaceyga soo eegeysay marnaba indhaha igama aanay qaadin teer iyo intii aan ku soo dhawaaday guriga jeebka ayaan gacanta geliyay si aan ula soo baxo telefoonka gacanta, marki aan soo bixiyay ayaan iska dhigay ruux telefoonka garaacaya dabadeedna dhagta ayaan saartay sidii ruux la hadlaya ruux kale , dhammaan maqalkeyga iyo dareenkeygu waxa ay ku maqanyihin dhagy=aysiga hadallada islaamuhu ku sheekeynayaan , maxaa yeelay waxaan la yaabay oo wali qalbigaygu diidan yahay hadalkii ahaa,

“ALLAAH miskiin hadii ninkeedu maanta joogi lahaa ma sidaan ayay ahaan lahayd,markii aan hadalkaa maqlay waxaa oogadeyda oo dhan mar kaliya saaqay gariir iyo naxdin, waana tan keentay in sheekadu haweenku haystaan aan dhegaha u raariciyo halkii aan guriga horey uga gali lahaa,”Maya maya !!!!!! macquul maaha qofka ay leeyihiin haddii ninkeedu la joogi lahaa sidaan miyay ahaan lahayd ma Waris bey ula jeedaan mise anaa wareersanoo waa ruux kale, maya waa laga yaabaa maya maya !!!! macquul maahan”.

Hadalladaas oo dhan waxay ahaayeen hadallo maskaxdeyda sidii Automatic iyada kaliya isugu jawaabeysay, waxaa igu soo dhacday in qofta islaamuhu ka sheekeysanayaan ay noqon karto ruux kale oo wax ka deggan guriga maadaama dhismaha ay deggan yihiin qoysas aad u badan, haddana waxaan kaligay is weydiiyay sidee u dhici kartaa in ay wada kulmaan magaceeda oo ay islaamuhu sheegayaan iyo xanuunkeeda iyo haddii ninkeedu joogi lahaa, sug waa inaan hadalkaas meel ku soo ogaadaa illeen waa tii horey loo yiri (dad iyo duurba waxaadan filayn baa kaaga soo baxa).

Inta si dhaqaaqay ayaan gudaha u sii galay gurigii Waris, waxaan cagta la helay sallaanta ama jaran-jarada laga galo guriga, ma dheereyn guriga ay deggan tahay waxa uu ku yaalaa Biyaanada ama dabaqa koowaad ee dhismaha, waxaan u leexday dhanka midig albaabkii buluuga ahaa ee ay degganayd ayaan markiiba garaacay anigoo murugeysan cabsi fara badanna iga muuqato, waxaa markiiba gabar yar oo dhuuban oo qiyaastii 16 jir ah, markiiba inta xishootay ayay dib u majiiratay, ALLAH waa nin eeddo inta tiri ayay gudaha u sii gashay gurigi, waa kuma, markiiba waan gartay in qofka hadlayaa ay tahay Waris , Waa Saxardiid ayaan iri, soo dhaaf Saxardiid maxaa dibadda ku joojiyay …….!!!!!!!


Waa socotaa…lasoco qeybta 8AAD maalinta Talaadada insha ALLAH.
Waxaa qoray: Abdisamad Abdulkadir Farah(Hanad)
waxaad kala socon kartaan

www.facebook.com/Abdisamad abdulkadir
Skype/abdisamad.farah2
Cabdisamad111@gmail.com