Uncategorized

Profasooro beeniyey in ay dowladda mucaarad ku yihiin

iftineducation.com – Xalay waxaa kulan ku yeeshey Nairobi siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dowladda Soomaaliya iyo kuwa hadda xilal ka haya, kuwaasi oo la sheegey in ay samaysteen isbahaysi siyaasadeed oo dowladda ka dhan ah.

Cali Khaliif Galeyr, Cali Maxamed Geele, iyo Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa war si wada jir ah usoo saareen ku sheegey in been abuur tahay wararka sheegaya in ay dowladda la doonayaan afgambi siyaasadeed.

Waxa ay sheegeen in aysan dowladda ka hor imaadsanayn, ujeedkooduna yahay in kaliya dowladda waxqabadkeeda kula xisaabtamaan marka ay sanad idleeysato.

Siyaasiyiintan iyo kuwa kale ayaa maalmahan Nairobi ku lahaa kulamo loo fasirtey in ay dowladda ku miji xaabinayaan, waxaanse xusid mudan in hadalo ay jeediyeen ay dowladda ku cambaareeyeen.