Uncategorized

Dowlada Ireland oo Maanta Qoysas Soomaali ah ka Qaaday Jasiirada Malta

iftineducation.com – Toban qof oo Soomaali ah oo ka kooban saddex qoys ayaa maanta ka ambabaxay  dalka Malta kaddib markii ay dowladda Ireland u ogolaatay in ay siiso magangelyo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Malta.

Waa markii saddexaad tan iyo sanadkii 2011-kii oo ay dowladda Irish go’aansatay in ay qaaddo koox qaxooti magangelyo doon ah oo ku sugan dalka Malta.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dalka Malta, Manuel Mallia ayaa uga mahadceliyay safaaradda Ireland ay ku leedahay dalkaas, gaar ahaan danjiraheeda Jim Hennessy.

Dhinaca kale, milateriga Malta ayaa badbaadiyay 97 qof oo muhaajiriin ah oo doon ay la socdeen ay cilad ka gashay matoorka.

Muhaajiriinta ayaa lagu joojiyay markii la badbaadinayay meel toddobo mile u jirta koonfurta Malta. Waxay isugu jireen  91 rag ah, shan dumar ah iyo ilmo yar.

Jasiirada yar ee Malta oo ah waddanka ugu yar ee xubin ka ah Midowga Yurub ayaa wuxuu hal toddobaad gudihiis diiwangeliyay ilaa lix boqol oo muhaajiriin ah.