Uncategorized

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo Amar Adag Duldhigtay Dad Aan Muslimka Aheyn ee ku Nool Dalkeeda

iftineducation.com – Dawladda dalka Boqortooyada Saudi Arabia ayaa soo saartay maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadan qaanuun cusub iyo digniin wada socda oo ku wajahan dadka aan Muslimka ahayn ee Ajaanibka ah ee dalkaa ku nool.

Amarkan cusub waxa lagu jideeyay in aanay dadka Ajaanibka ah ee aan Muslimka ahayn ee dalkaa ku nooli aanay haba yaraatee waxba ku cuni karin kuna cabi karin meelaha faras magaalo ah ee ay dadku isugu yimaadaan inta ay dadka Muslimiinta ahi ku gudo jiraan  gudashada waajibaadka soonka bisha barakaysan ee RAMADAAN, qofkii ajaanib ah ee lagu qabto isaga oo amarkan iska dhega tirana waxa uu mutaysan doonaa ganaax adag oo aan noociisa oo kale aan hore loo arag oo uu si weyn qoomameeyo, sidaana waxa lagu cadeeyay wareegto sharci ah oo si rasmi ah uga soo baxday Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia.

Amrkan ay soo saartay Dawlada Saudi Arabia, waxa uu uga digay dhamaan Malaayiinta ajaanibka ah ee aan Muslimiinta ahayn ee dalkaa ku nooli inay si toos ah ugu hogaansanaadaan fulinta iyo ku dhaqanka amarkan cusub ee wareegtada ah, waxaana Dawlada Saudi Arabia ay shaacisay in qofkii ajaanib ah ee lagu qabto isaga oo wax ku cunaya ama ku cabaya goobaha kala duwan ee ay dadku isugu yimaadaan in shaqada uu ka shaqeeyo si rasmi ah looga eryi doono isla marakaana dalka Boqortooyadda Saudi Arabia degdeg looga mastaafurin doono.

Dalka Saudi Arabia soo saarka Saliida hodan ku ah kuna dhaqma shareecadda diinta Islaamka waxa ka shaqeeya oo uu hoy u yahay Siddeed Milyan oo qof oo ajaanib ah oo u badan Aasiyaan (Eight Million foreigners, mostly Asians).

Nin lagu magacaabo Ronald Garcia Domingo, oo dhashay dalka Philippine national, oo ku noolaa dalka Saudi Arabia Sagaalkii sano ee u danbeeyay ayaa warfidiyeenada u sheegay in dadka ajaanibka ah ee aan muslinka ahayni ay si weyn ugu baraarugsan yihiin sidii ay uga taxadiri lahaayeen inay u hogaansamaan qaanuunadda iyo shuruucda Islaamka ee dalkaa lagu xukumo.