Uncategorized

Dalka Somaliya Beesha Caalamka Dib Ugu Soo Biiray(Tallaabo wanaagsan)

iftineducation.com Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaalada codka wadaniyiinta damiirka,dareenka nool,qiirada dal jaceyl,karaamo
difaacdi u taagan,ma daalayaasha Diintooda,dalkooda iyo midnimdo cadaalad leh illaaliyaasha ah,gunimo,gumeeysi hoos joogid,dayaca kala daadsanaanta.qabyaalad ku dhaqmida,colaada iyo dagaaladda Sokeeyeey diidan, dembiilayaasha,gacan ku dhiiglayaasha,qabqablaha.

Dagaal oogayaasaha iyo guud ahaanba inta tacadigga,xasuuqyadda iyo falalka gumaad ku eedeeysan ku talinaaya Maxkameeyn habka cadaalada waafaqsan,isu celinta dhantida dadka ku kala maqan iyo mida dowladeedba.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed codka dadka nool-waxaanu halkan si diiran ugu soo dhoweeyneeynaa Safiirada warqadoodii aqoonsi Madaxweynyuhu ka
gudoomeey kana kala socda dhoowr dalka oo Yurub ah,waana tallaabo la oran karaayo habkii dowladeed ee Somaliya oo soo noolaaneeysa,anagoo had iyo jeer-ba la duuban wanaaga,horumarka,danta qaran iyo maslaxada guud ee ummadeed,waaanu u aragnaa tallaabadaas mid dhanka horumarka loo qaaday xiriirkii caalamka iyo diplomaasiyadii oo si deg deg ah u soo noqoneeysa,caalamkuna u aqoonsaday ama gartay in dalkii somalia hada qaranimadiisuu buuxday iyo habkiisii dawladeed dib u hantay, nabadii soo ifeeyso,habkii maamul soo hagaagaayo,beesha caalamka ku soo noqday oo kaalintoodii u muuqda mid qaadan kareeysa(Alloow sidii roon-aamiiin),
ilaa hada waxaa safiiro dalkeena u soo magacaabay dalalkan:-

Yeman,Masar,Itoobiya,Kenya,Injiriirka UK,Talyaaniga,Faransiiska, Germany,Jabaan,Spain, Finland,Belgium,Turkiga,Sudaan inkastoo weli
fadhidoodu ahaanaayo dalka kenya intooda badan(intii waqti ah) waxaa la filaayaa dalal kale ineey soo wadaan safiiradooda sidda:-

K/Afrika,
Ugaandho,Mareeykanka,USA,Sacuudigga,Liibiya. Emaaraadka, Kuweynt, Ciraaq,Hindia,Pakistaan, Iraan(Holland, Maleeshiya heer Qunsuliyadeed) xiriirka
Diplomaasiyadeed ayaa ahamiyad weyn ku fadhiyana door weyna ka ciyaari doona dhinacyada dib u dhiska dalka,siyaasadda,dhaqaalaha,arr.bulshada
iyo kobciinta aqoonta sarre-ba soo dhoweeyn mudan.


Xiligii Dowladii kacaanka tirada safaaradda dalkeena joogay waxeey ahaayeen 40 dal oo eey ugu muhiimsanaayeen kuwan:-
-Talyaaniga,Mareeykanka,Germany,Masaarida,Scauugida,Ruushaka,China, Faransiiska, Kuweyt, Ciraaq, Iraan, Yeman, Emaaraadka, Kenya iyo kuwan oo
heerka labaad ahaa:-

Sudoon, Cumaan, Qadar, Turkiga, Aljeriya,
Neyjeeriya, N/Koriya, Romaaniya, Bulgaariya, Suuriya,Hindia,Pkistaan,
Maalta, Fitikaanka(magac ahaan), Itoobiya, Xafiiska Falastiin, S.Koriya
oo beryihii dame timmi, Xafiiska UNDP-UNTA, Inkastoo Somaalidu safaarado
badan aduunka ku lahaayeen, safiirada somaaliyeedna magac, maamuus iyo
sharaf weyn aduunku ku lahaayeen tusaale ahaan safiiradan:-

-Axmed Maxamed Aden(Qeybe),Axmed Maxamed Darmaan, Ahmed Keyse, Max’d Jama
Cili(MJ), C/Raxmaan Axmed Cali(tuur), Shariif Saalax, Shiikh Cabdulle,Gen-
Shirmaan, Gen-Yuusuf Dheeg, Gacam-dheere, Bookax, Kiimiko, Jangeli, C/Laahi Sh.
Ismaaciil, C/Laahi Xassan, Xuseen Xassan Bagad,Cabdi Xabashi, Cumar Carte,
Maxamud X.Nuur, Bulaale, Dr-C/Laahi Cadoow, Dhuko, Meykal Maryama, Gacaliye,
Cumar Umal,Xamze Sh.Samater, C/Laahi Cigaal, C/Qaadir Amiin, Saciid X.Max,ud
Seylici, Dhigic-dhigic, Axmed Shire, Xashare, Halyeey-C/Laahi Ciise iyo kuwo kale oo dhigooda haa (intii geeriyooteey Aun-Aamiin,inta nool cimri dheer,
Caafimaad iyo camal suuban-aamiin(magacyadu tusaale keliya), waxaanu madaxda sare ee dowladda federaalka somaliya ka fileeynaa ineey aduunka
u magacaabaan safiiro aqoon,karti-daacadnimo iyo sumcad wanaagsan leh oo sida ku haboon u meteli karaayo magac iyo maqaamka Somaliyeed, koleey
weey adagtahay sida loo heli raga liiskaas ku xusan oo kalle ama kuwo xataa soo dhoweeyn karaaya(runtii).

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed (Xassan Carab)- 
-Afhayeenka Guud:- Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda, Midnimadda Iyo Cadaaladda.





Fadlan Like Iyo Share si aad asXaabtada inTa internetka iStiCmaAsho ugu gudbiso Thanks


 ____________________________________ 
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow 
iftineducation Media Network 
http://www.iftineducation.com 
iftineducationmedia@gmail.com