Uncategorized

Wiil Sagaal Sano Jir Ah Oo Gabay Kaga Yaabiyay Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya Fowziyo Yusuf Xaaji + Video

iftineducation.com – Wiilkaan Yar ee lagu magacaabo Anas C/Kariin ayaa ka tiriyay gabay xaflad lagu soo dhawaynay Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku timid qaarada Yurub gaar ahaa Magaalada London ee dalka Uk

Anas Yare, ayaa ka ilmaysiiyay wasiirada Marwo Fowziyo Yusuf  mar uu tiriyay gabay qabyaalada ka hadlayay oo horay u tiriyay abwaan Cabdulaahi Suldaan Timacade.

Sido kale Anas ayaa amaanay hooyooyinka Soomaaliyeed waxuuna is waydiiyay waxa haweynka lagu diiday Barlamaanka Soomaaliya,isaga oo ugu baaqay dowladda Soomaaliya in haweynka xaqooda laga siiyo barlamaanka iyo xukuumadaba .

Wiilkaa yar ayaa ah wiil sagaal sano jir ah waana wiil leh karti aftahanimo iyo waliba furfurnaan aadna u caqli badan marka aad aragto sida dagan uu u hadlayo una kala dhigdhigayo gabayada marka uu tirinayo.

Marka uu dhamayay gabay Anas Yare waxaa u soo istaagtay habna siisay Marwo Fowziyo Yusuf oo ah wasiirada arimaha dibada Soomaaliya taas oo ka heshay wax garadnimada iyo aftahanimada ku jirta wiilka yar.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com