Uncategorized

Wax kasta waxaa Iga haleeyay Maseyrkeyga mana garanayo waxan sameeyo ( Sheeko Dhab Ah)

iftineducation.com – Wax kasta waxaa iga haleeyay Maseyrkeyga, Ninkeygana waan jeclahay, laakiin hadana ma aqaano ..” sidaasi waxaa ku calaacashay Asli Moogane oo sheegtay in iyada iyo Seygeeda muran joogta ah uu ka dhex taagan yahay.

“Dareenkeyga ma xakameyn karo, markaan arko ninkeyga oo la hadlaya ama la taagan qof dumar ah, isagana wuxuu ii sheegaa in meel cidlo ah aan ka didayo, taas ayaana keenta khilaafka” ayay hadalkeeda sii raacisay.
“Nin lama Amino karo, waan ogahay in uusan dumar ka joogeyn, anigana waxaan mar kasta isku dayaa in aan ilowsiiyo in uu dumar kale eego” ayay hadalkeeda raacisay.

“Waan jecelahay in reerkeenu noqdo mid xasilan, laakiin side lagu helaa,… waxaan ka shakiyaa maqnaashahiisa, intuu iga maqan yahay, waxbaa igu taagan, isaga uun baan ka fekeraa, markuu guriga yimaado ee aan su’aalo weydiiyo, waaba dagaal” ayay tiri Asli.

AQRISTAYAASHA WAXAA U FURAN  TALADOODA IYO FIGRADAHOODA 
WAXAA KA MAMNUUC AH AFLAGAADO COMMENTSKA

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com