Uncategorized

Soomaalida Qurba Joogta Oo si Xowli Dalka Dib ugu Soo laabanaya .

iftineducation.com – Soomaalida ku nool dalalka Qaaradda Yurub ayaa si aad ah ugu soo laabanaya Dalkooda si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo hormarka Dalka, waxaana arintaasi soo laabashada Soomaalida si aad ah looga dareemayaa Dalalka ay Soomaalidu ku nool yihiin ee Qaaradda Yurub.
Kadib ifafaalaha nabadeed iyo isbedelka ka dhacay dalka ayaa keentay in ay dalka dib ugu soo laabtaan qurba joogta Soomaaliyeed ee ku nool inta badan Qaaradaha Yurub iyo Ameeriko kuwaas oo doonaya in ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalk iyo mashaariicda kale ee horumarineed amaba dalxiiska.
Soomaalida ugu badan ee ku nool Qaarada Yurub waxey ku noolyihiin dalka Ingiriiska, iyadoo la sheegay in dalka Labaad uu yahay Sweden, waxaana si weyn looga dareemay safarka Soomaalida ay ku aadayaan dalkooda hooyo, halka qof kasta marka uu gaaro dalka uu qurbajoogta kale usoo diro fariimo farxadeed.
Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha General C/llaahi Gaafoow ayaa sheegay in tirada ugu badan ee Soomaalida dib ugu soo laabaneysa dalka ay ka yimaadaan wadamada Ingiriiska iyo Sweden.
Dowladda Sweden laanteeda socdaalka ayaa laba bilood ka hor shaacisay in ay joojisay qaabilaadda Soomaalida megengelya doonka ah, kadib markii qubaro ka socota dalkaasi oo booqasho ku yimid Muqdisho ay xaqiijiyeen in lagu noolaankaro Muqdisho.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com