Uncategorized

Sheekh Cali Dheer : Hadii aan laga hortagin Ethopia iyo Kenya dalka ayaga ayuu u gacan galayaa

iftineducation.com – Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacanta u geli doonto Dalal shisheeye gaar ahaa Kenya iyo Itoobiya.

Sida Sheekh Cali Dheere uu sheegay labada dal ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya Ee Itoobiya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in gobolada dalka qaar ay kala qeyb sadaa Sida Jubooyinka oo Kenya ay u xeed xeedaneyso halka Itoobiyana ay hunguri uu kahayo Baay iyo Bakol iyo waliba Hiiraan.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa ka digay in taas ay dhacdo, Wuxuuna sharxay Afhayeenka hadafka ay ka leeyihiin dowladaha daneynaya iney goboladan goostaan,waxaana uu tusaala ahaan uu u soo qaatay dowlada Kenya uu sheegay in shidaal qodis ay ka bilaabi rabto gudaha Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dagaal kala soo horjeeda dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo ay ciidan ka joogaan Soomaaliya,waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka digayeen in dalka Soomaaliya markale uu gacan galo dalal shisheeye.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com