Uncategorized

RA’IISUL WASAARE SAACID OO XAFIISKIISA KU QAABILAY LAHEYSTAYAAL SYRIA+SAWIRO

iftineducation.com – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Laheystayaal Sadax ah oo u dhashay Syria.
Laheytayaashaan oo Mudo Labo Sano gacanta burcad badeeda ku jiray ayaa ka soo dagay garoonka Aadan cadde ee Muqdisho.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibootooyinka lagula kacay Laheystayaashaan Mudadadii ay gacanta kooxaha burcad badeeda ay ku jireen.
Waxaa kale oo uu Ra’iisul wasaaraha U mahad celiyay maamulka Ximan iyo Xeeb oo qeyb weyn ka qaatay in Sadaxdaan ruux laga soo bixiyo gacanta kooxaha Burcad badeeda.
Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa daboolka ka qaaday in Mudada La heystayaashaan ay Muqdisho sii joogayaan in Amaankooda ay la wareegeyso dowlada.


____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com