Uncategorized

Ninkii Ugu Horeeyay Ee Indhool Soomaaliyeed Ah Oo Shahaadada Master Qaatay(Daawo Muuqaalkiisa)

iftineducation.com – Ninkii Ugu Horeeyay Ee Indhool  Soomaaliyeed ah Oo Shahaadada Master Qaatay(Daawo Muuqaalkiisa)

Maxamed Axmed Maxamuud oo Dadka u yaqaanaan (Maxamed Indhool) waxa uu ku dhashay indhoolanimada, hasayeeshee waxa uu u istaagay sidii uu dadka kale uu ula mid noqon lahaa waliba dhanka waxbarashada.

Maxamed waxa uu Bachelor- kaga soo qaatay Magaalada Muqdisho,kadibna Shaadadada Masterka ayuu hadda ka qaatay Jaamacad ku-taal Dalka Sudan

Jaamacadii uu codsiga u gudbistay markii hore way ka caga jiiday iyadoo is leh qof indhool ah wax ma baran karo marka laga reebo maahee Jamacadaha indhoolayaasha loogu talagalay ee uusan la dhigan karin Arday indha qabta, Laakiin markii dambe way u ogalaatay waxa uuna noqday ama Jaamacadda uga baxay darajada masterka Imtiyaaz oo ah kaalinta 1aad ee Jaamacaddaha, ayna yar tahay inta uga qalin jabisa. Maxamed waxa uu Jaamacadda iyo Casharada usoo xaadiri jiray si caadi ah, in kastoo marka uu doono in uu casharka ku ceshado oo qof asxaabtiisa ah ka codsanayay in uu u aqriyo isagana wa uu xifdin jiray. Imtixaankana marka uu galayo waxa loo qaban jiray Macalin u aqriya Su’aalaha Warqada Imtixaanka ku qoran isagana waa uu ka jawaabi jiray isla Macalinka ayaan u qoraya mar kale jawaabta .

Maanta waxa uu noqday inta la ogyahay Ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee Indhool ah oo qaata Master degree oo aysan jirin cid ku haysata kaalintaas. Waxa laga yaabaa Maxamed in uusan arkayn waxba badan hasayeeshee waxa la oran karaa Maanta kumaan ama malaayiin indho qabta ayuu ka cili badan yahay. Waxa uuna rajeenayaa Maxamed in uu cilmigiisa Dadka uga faa’ideeyo uuna noqdo Macalin wax ka dhiga Jaamacadaha Dalkeena hooyo ee Soomaali






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com