Uncategorized

Layaab – Nin Damaaciyay Gabar iyo Hooyadeed, Sababtayna Muran diimeed.

Hooyo iyo gabadheeda
iftineducation.com – Waxaa isa soo taraya warar dhowaan soo baxayay, kuwaasi oo sheegayay in ay jiraan warar sheegaya in nin damaaciyay gabar iyo hooyadeed, taasoo dhalisay muran dhinaca diinta ah.

Waxaa la soo werinayaa in ninkan uu mudo si kala gaar gaar ah u la hasaawayay gabadh iyo Hooyadeed, ayagoo aan iska war qabin, mudana uu soo jiitamayay xiriirka.

Wararku waxa ay leeyihiin gabadha iyo Hooyadeedna midna ma ogoleyn in guryahooda ay kula kulmaan ama ku qaabilaan ninkan oo xiriir wadaaga ay yihiin.

Laakiin mudo kadib ayaa lagu soo waramayaa in mid kasta uu kula in uu guursanayo, iyadoo Hooyada ay ku heshiiyeen in ay is meher qarsadaan, halka markii dambena gabadha ay ku cadaadisay in reerkeeda laga doono, isna uu ku qanciyay in uu marka hore mehersado, kadibna reerka ay u tagaan.

Sidaas ayay ku suuro gashay in gabadha la mehriyo, lana geeyo gurigiisa, iyadoo reerkana laga doonay, laakiin waxay arrintu is bedeshay markii laga war helay in xaaladu isku qasan tahay.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com