Uncategorized

Kanye West oo 11-malyuun Guri ugu iibiyay Kim Kardashian.

Kanye West and Kim Kardashian. 
iftineducation.com –  Xiddiga caamaligaa ee caanka ku ah heesaha Rapka Kanye West ayaa dadka ka yaabiyay kadib markii uu 11-miylan guri weyn oo qasriya ugu iibiyay gacalisadiisa Kim Kardashian, waxaana gurigu ku yaalaa xaafada Bel-Air ee gobalka California, iyagoo deris la noqday xidigta caanka ah ee Jennifer Aniston iyo laacibka kubada koleyga Chris Paul.

Waxaa xusid mudan in West iyo Kim ay ku dhawaaqeen inay sugayaan canugoodi koobaad, iyadoo warkaani suuq ka sameeyay goobaga bulshadu ku kulmaan ee sida Facebook iyo Twitter.


Labadaan lamaane ayaa waayihii ugu dameeyay wada socday, waxaana la saadaalinayay inay kala boodi doonaan xili aan fogey maadaan Kim tahay qof fudeyd badan oo marba meel ku haada, ha yeeshe Kanye West ayaa dejiyay qofta ugu dambeyna qasri u iibiyay.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com