Uncategorized

Inta Badan Soomaalida oo la sheegay inay yihiin dad cunsuriyiin ah oo Soomaalida kala midab sooco(Daawo Layaabkaan)

iftineducation.com – Dadka Soomaalida ayaa waxaa la sheegay inay yihiin dad cunsuriyiin ah islamarkaana qaar ka mid ah Soomaalida kale midab sooco ayagoona dadkaas ku tilmaamo dad ka liito ama ka qiimo yar oo aanan mudneyn in la siiyo tixgalin maadaama ay yihiin dad aan qiimo lahayn.

Midab kala soocaas Soomaalida oo ah mid ku dhisan qaab qabiil ah ayaa waxaa la sheegay inay qaar ka mid ah qabiiladaas ay isu arkaan inay ka qiimo badan yihiin qabiilada kale oo ayna xaqiraan iyadoona sida ay sheegtay fanaanada weyn ee caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ay arintaas gaartey xataa wadaadadii Soomaalida oo aan laga fileyn inay sidaas u dhaqmaan maadaama ay yihiin dadkii ay bulshadu ku dayan lahayd, Hadaba sheeko xiiso badan oo arintaas ku saabsan ayaa fanaanadaas weyn ee Maryan Mursal waxay ku sheegtay in Imaan masaajid oo gabadhiisa guur u doonaayey uu u soo bandhigay arintaas jameecadii masaajidka inay ka guursadaan gabartaas laakiin markii wiil midgaan ahaa oo ahaa dadka la xaqiro uu dhowr jeer ka codsadey inuu asagu guursado gabadhaas uu wadaadkii ugu jawaabay war masaajidka ciyaarta ka daa taas oo macnaheedu yahay koley adigu kuu guurin maayo gabadheyda ee rabshada naga jooji wiilyahow.

Ugu dambeyntiina iyadoo dadka Soomaaliyeed ay arintaas ku caan baxeen ayaa waxaa hadana la yaab leh in wali ay arintaas caadi ka tahay dalka Soomaaliya iyadoona xataa siyaasad dalka Soomaaliya lagu qeybsado waxa loo yaqaano 4.5 oo loola jeedo in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad haaf ah ama nus ah oo aan dhameyn arintaas oo run ahaantii ah wax lala yaabo, Arinta kale ee la yaabka leh ayaa waxay tahay arintaan aan soo sheegnay oo dadka qaar lagu sheego midgaan islamarkaana la xaqiro iyadoona aan la ogeyn waxa ay salka ku heyso arintaas laakiin ay dadka Soomaaliyeed caadeysteen xaqiraada dadkaas.


Halkaan Ka Daawo Video gaan Layaabka Leh


_____________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com.com