Uncategorized

Haween Badan oo u Cilaansaday soo dhaweynta Ragooda oo Sanado ka maqnaa iyo kuwa Guur isku diyaarinayay oo fashil ku yimid

iftineducation.com – Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay la arkayay Haween badan oo isku diyaarinayay soo dhaweynta ragooda oo Mudo sanado ah ka maqnaa iyo kuwa kale oo iyana isku diyaarinayay aqal galka lamaanahooda oo iyana dalka kusoo food lahaa.
Hablaha ugu badan ee fashilka ku yimid ayaa ahaa kuwa Ragooda ay ku suganyihiin Dalka Koonfur AFrika kuwaa oo isku soo diyaariyay kasoo tagista dalkaasi boorsooyinkoodana soo cabeestay balse lagu adkeeyay sidii ay Dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen.
Raga isku diyaariyay in ay kasoo tagaan Dalka K/Afrika ayaa qaarkood waxa ayba soo direen lacagihii guryaha loogu hagaajin lahaa iyagoona amray Xaasaskii ay ka tageen in ay huruud iyo cilaan sii marsadan halka kuwa kalana ay soo shubeen lacagihii ay ku guursan lahaayeen alaabana loo sii diyaariyay xitaa loo doonay qarakood haweenkii ay guursan lahaayeen durba marka ay magaalada yimaadaan.
Haweenkii sidaa isku diyaariyay dhoorayayna ragooda ayaa fashil ku yimid Cilaankiina ka tirmay kuna daalay kali jiifadka alaabta quruxda badan ee loo diyariyay soo dhaweynta lamaanahooda nolosha ay wadaageen ay Mudo kala maqnaayeen ayna filayeen in ay kazoo duulaan S/Afrika.
Arimahan ayaa yimid ka gadaal markii Boqolal Muwaadinin Somali Ah Oo Sanadkan Cusub Qorsheynayay Inay kusoo laabtaan Dalkooda Hooyo gara ahaan Magaalada Muqdisho Ayaa Ku Xayiran Magaloyinka Dalka Koofur Afrika Kadib Markii Dowlada Koofur Afrika Gaar Ahaan Waaxda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Ay Gabi Ahaanba Joojisay Socdaalkii Somalida Ay Dalkoda Dib Ugu Laaban Lahaayeen Madama La Kansalay Isla markaane Dowlada Koofur Afrika Ay Diiday Waraqadaha Go Home-ka Iyo Pasaporka Somaliga Ah In Lagu Baxo,






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com