Uncategorized

Gabar Somali Ah Oo La Furay Kadib Markii Ay Ku Riyootay Jilaaga Muhanad:Dhageyso Gabadhan Oo Ka Sheekeynaysa Sababta Ninkeedii U Furay?

iftineducation.com – Qiso layaableh ayaa qabsatay gabar Soomaaliyeed kadib markii ninkeedii uu furay xili habeen ah kadib markii ay xili saqdhexe ah ku qorowday Aktar u dhashay Wadanka Turkiga oo lagu magacaabo Muhanad,kaasoo aflaantiisa musalsalka ah lagu fasiro af-Soomaali,gabadhan ayaa markii la furayey ku riyoonaysay Muhanad iyo iyada oo wada baashaalaya,waxaana arintaas ka carooday ninkeeda oo u qaatay in xaaskiisa ay saaxiib la tahay ninkan ay ku qarawday.

(Muhanad Jilaaga ay mudooyinkan caashaqeen Dumar badan oo Carab,Turki iyo Soomaali isugu jirta,iyagoo ku jeclaaday sida wanaagsan ee dumarka uu ula dhaqmo kolka uu Filinka jilayo).

Gabadhan oo ku nool Magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in ninkeda uu ku yiri “Muhanad-ka ma nin kale oo ku qabo miyaa ”, markaas ayaan usheegay waxkasta laakiin waa uu diiday,wuxuuna ninkeeda ka carooday in isagoo sariir la hurda inay Jilaaga Muhanad ku riyooto.

Qisadan ayaa waxaa ay sheegtay in ay tahay tii ugu darnayd ee soo marta nolosheeda maadaama ay hada tahay garoob uu furiinkeeda sabab u noqday qarowgii ay ku riyootay Aktartan u dhashay Dalka Turkiga ee aflaantiisa oo af-Soomaali lagu fasiray ay hadda ku waasheen daawashadiisa Dumarka Soomaliyeed.




____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com