Uncategorized

Daawo Fanaanka Cabdi Kariin Raas Iyo Xaskiisa Nimco Dagan Oo Soo Qaaday Hees Sida Heesa Hindiga Loo Tumay + Video

Cabdi Kariin Raas Iyo Xaskiisa Nimco Dagan
iftineducation.com – Fanaaniinta Lamanaha ah ee Cabdi Kariin Raas iyo xaskiisa Nimco Dagan oo mudooyinkaan lagu arkin fanka ayaa dib ugu soo labtay fanka ,iyaga oo durba soo qaaday hees u qaab eg heesaha Hindiga waxaana u garacay musiga koox Ajinabi ah.

Heestaan ayaa ku bilabanaysa marka aad fiirsato music Hindi ah waxana u malaynaysa in ay tahay hees Hindi ah oo Afsoomaali laga dhigay lakiin daqiiqado kadib heesta waxay isku badalaysaa hees Soomaali ah waliba waxaad ka dhax maqlaysa kabanka heesaha Soomaaliga ay caanka ku yihiin.

Labadaan Fanaan Cabdi Kariin Raas iyo Nimco Dagan  oo ah labo fanaan oo isqaba ayaa ku raxaystay heestaan u qaabka eg heesaha hindiga ,waxayna durba heestaan noqotay hees ay aad u dawadeen dadweynaha Soomaaliyeed ee xusayay sanada cusub ee 2013.

Fanaaniinta Soomaaliyeed qarkood ayaa ka tunta musiga kooxa Ajinabi waxaana ka mid ah fanaaniintaas fanaanka Aar Maanta iyo waliba kooxda Waayaha cusub oo inta badan musiga ay u garacaan dhalinyaro ajinabi ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Kenya.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com