Uncategorized

Daawo Muuqaalka Wiil Indhoole Ah Oo Markii Uu Salaadaha Dukanayo Allah Ka Barya In Indhihiisa Uu Ilaah Usoo Celinin (Video + Warbixin)

iftineducation.com – Bini aadamka markasta wuxuu jecel yahay nolol dhameestiran iyo caafimaad dhameestirin uu helo, aadimigu markii uu waayo xubin jirkiisa ka tirsan waliba muhiim u ah nolosha sida indhaha oo kale markii uu waayo sida lagu yaqaano noolaha waa kuwa Allah SWT barya kana codsada in uu Allah siiyo caafimaad, dadka qaar ayaa la kaashada xanuunkooda dhaqaatiir si mar uun ay u halaan sidii ay caafimaad ku heli lahaayeen iyadoo isku taxluujiya wada kasta oo loo heli karo caafimaad.

Wiilkaan da’da yar uu Allah ka dhigay mid aan waxba arag waa wiil imaan adag iyo caqiido adag leh, waa wiil ay ka muuqato Allah kacabsigiisa, wiilkaan ayaa sheegay in uu markasta xiliyada salaada Allah ka codsado in uu aragiisa u soocelinin halka ay dad badan ka baryaan in Allah aragooda usoo celsho, wiilkaan 
ayaa ku macneeyay sababta uu udiid aayo in uu Allah aragiisa usoo celsho in ay tahay in Allah uu ka dabciyo cadaabyada qaar, hadii la waydiiyo intii uu noolaa aragiisa muxuu ku qaban jiray si uu uga nabad galo jawaabaha adag, wiilkaan ayaa Allah ka rajeynaya in uu ka mid noqdo dadka janada isaga oo rajo aad u wayn ka qaba raxmada Rabbi.


Dad badan inaga mid ayaa aragtidooda ku lumiya daawashada aflaanta xun ama kulumiya wax uusan Allah raali ka aheen, maalinta qiyaamaha waa la is waydiin doonaa intii aad nooleed ishaado waxaad ku daawan jirtay wanaag iyo samaan.

Wiilkaan ayaa ku qanacsan noloshiisa indho la’aanta ah isaga oo wax kasta qabsada, danahiisa gaarka isaga kaligiis fushada, wiilkaan ayaa aaminsan hadii Allah albaab kaa xiro wuxuu kuu furaa albaab kale oo raxmad leh, ugu danbeen wiilkaan ayaa ka ilmeesiiyay dadka soo booqday iyaga oo la yaabay heerka uu gaarsiisanyahay imaankiisa.







____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com