Uncategorized

Daawo Muuqaalka 3 Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Kasoo Muuqday Maxkamad Ku Taala Magaalada New York

iftineducation.com – Dhamaadkii beshii December ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ayaa waxaa maxkamad ku taala magaalada New York ee wadanka Mareykanka lasoo tagay sadex dhalinyaro ah oo haysata dhalashada wadamo ka tirsan qaarada Yurub balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

ragaan ayaa labo ka mid ah waxa ay haystaan shariciga wadanka Sweden halka kan kalana haysto dhalashada wadanka Britain.

Ragaan ayaa lagu tuhunsanyahay in xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab ee ka dagaalama bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Dhalinyaradaan ayaa laga soo qabtay wadanka Jabuuti iyadoo markii dambe loosoo wareejiyay dalka Mareykanka si halkaasi loogu maxkmadeeyo.

Dhalinyaarada ayaa lagu kala magacaabaa Cali yaasiin Maxamad, Maxamad Yusuf Iyo Mahdi Xaashi.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Video-ga

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com