Uncategorized

Daawo Muuqaaka Sir Fakatay: Nimco Yaasiin Iyo Ikraan Caraale Oo Fashiliyay Guurka Fiska iyo Ceyduruus (Daawo)

Nimco Yaasiin Iyo Ikraan Caraale iyo Farxiyo Fiska
iftineducation.com – Barnaamijka Caweyska London oo si toos ah toddobaadkan uga baxay TV-ga HCTV, ayaa waxaa marti ku ahaa 4 fanaan oo kala ah Nimco yaasiin, Ikraan Caraale, Farxiya Fiska iyo Ceyduruus Halyeey.

Barnaamijka inta uu socday ayaa sir fakatay, kadib markii Nimco Yaasiin oo lagu soo dhaweeyay mikrafoonka sheegtay in laga hormariyo “Familka” oo ay kala jeeday Farxiyo Fiska iyo Ceyduruus Halyeey.

Markii eraygaas uu ka baxsaday afka Nimco Yaasiin, ayaa kaamirada qabatay Ikraan Caraale oo si hoose u taabaneysa Nimco Yaasiin oo ay kala jeeday “Baaq” waxa ayna si hoose u tiri Ikraan Caraale “Balaayo Ku Aragtay” iyadoo ka naxsan sirta  ka fakatay Nimco.

Farxiyo Fiska iyo Ceyduruus oo naxdin darteed indhaha taag-taagaaya, ayaa waxaa hobseedka ka bixiyay Cali Seenyo oo ahaa wariyihii barnaamijka waday, isagoo si reer magaalnimo ku jirto, Heesta “Jeedaali” oo ay si talan-taali ah u qaadan labada fanaan kusoo dhaweeyay.
Markale muuqaalkan waxaa ku daawan doontaan, Nimco yaasiin oo sheegeysa in Fiska Xaajigeeda uu la joogo, balse Ikraan uu ka maqan yahay, waxaana u camirtay Ikraan oo tiri Fiska Xaajigeeda waa nala joogaa oo “maba naga foga hadda”, iyadoo kala jeedda Ceyduruus Halyeey.

Inta uu barnaamijka socday, ayay Fiska ka qaadday heeso “bilaa Music ah” oo ay ka dalbadeen daawadayaasha soo wacay barnaamijka, waxaase laga dareemaayay in ay heesaha oo dhan ay u qaadeesay gacaliyaheeda Ceyduruus oo ay isha ku xad-xadeysay.

Jaceylka ka dhaxeeya Ceyduruus iyo Fiska ayaa waayadaan dambe aad usoo shaac baxay markii Fiska iyo Bashiir Hanuuniye kala tageen, waxaase si cad sheekada hadda u fashiliyay Nimco Yaasiin iyo Ikraan Caraale

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com