Uncategorized

Abuu Mansuur Al-Amriiki oo afka labadii yeeray, taageera balaaranna dalbaday(Daawo Muuqaalka Cataawga Abuu Mansur Al Amriikii)

iftineducation.com – Abuu Mansuur Al-Amriiki oo dhamaadkii sanadkii tegay Al-shabaab ay iska faquuqeen kuna sheegeen nin aan meteli Karin ayaa soo dhigay barta youtube-ka fariin muuqaal ah oo uu ku dalbanayo kaalmo caalami ah.

Fariintaan ayaa Mansuur Mareykanku waxa uu ciwaan uga dhigay “Codsigii ugu danbeeyay” isaga oo kudoonaya in laga Badbaadiyo Shabaab oo uu wali ka baqayo in ay khaarijiyaan.



Muhaajirkaan oo magaciisa dhabta ah loo yaqaanno Omah Hammami isla qab weyninku dilooday doonayana in uu isaga oo Shabaab aan xariir wanaagsan lalaheyn kunoolaado goobaha Shabaabku kataliyaan ayaa waxa uu fariintaan muuqalka ah oo daqiiqad uun socaneysa kusoo bandhigay afka Carabiga.



Fariintiisa ayuu mar labaab ku sheegay in naftiisu aysan amaan aheyn oo uu kabaqayo in ay dilaan Al-Qaacidada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Godane oo ah ninka sida aadka ah ay isu gariifsanyihiin,iyada oo lasoo tebinayo in Amriki iyo Godane ay isku maandhaafeen hogaanka Shabaab.



Kadib markii ay bateen fariimaha Shabaabku aysan ku qanacsaneyn ee uu dhigayo baraha Internet-ka ayeey soo saareen wareegto ay ku muujinayaan in uusan afkooda kuhadli Karin.




Halkaan Ka daawo Muuqaalka Videoga

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com