Uncategorized

Xilliyadda inta Badan ay isku Dhacaan Lamaanaha oo La Ogaaday, “Warbixin Muhiim Ah”

iftineducation.com – Waxa jira waqti uu guur kasta gallo xilli xasaasi ah oo daciifiya jacaylka ka dhexeeya lamaanaha isqaba.

Daciifnimadaas la soo darista lamaanaha ayaa ah caqabad  dhowrkii
sano mar soo noqota, balse hadii laysla fahmo si wada jir ah looga gudbi
karo.
Caqabadaaas waxa ay noqon kartaa mid aad u xoogan oo kala dirta labada isqaba ama mid fudud oo ay si sahlan ku xaliyi karaan.
Markaa hadii lamaanuhu isu diyaariyaan, ogyihiina in ay  galeen
xiligii la isku dhacayay ayaa waxa ay ku dhaafayaan xaaladaas si fudud.
Xiliyada kala duwan ee uu isku dhaco yimaado ayaa u soo kala horeeeya sidan:
  • 2 sano
Marka lamaanuhu is qabaan laba sano ayaa waxa ka dhex dhasha isku
dhaca ugu horeeya. Waana xiliga uu jacaylkii badnaa ee la isu qabay
yaraado. Waxana ay galaan lamaanayaashu xiriir cusub oo ka qoto dheer
kii hore.
Xiriirka ayaa noqonaya mid sii xoogaysta laakiin uu roomanti-gii
daciifayo. Xiligan ayaa waxa idinka xanaajiya arimo yar yar sida ninka
oo uu sigaar ka soo uro ama hawaynada oo telefoonka kuyara daahda.
Waxa haboon in aad isku daydaan in aad is fahantaan, isna
dhegaysataan.  Si daacadna uga wada hadashaan dareenkiina aad qabtaan ee
ku saabsan xaaladaha aad ku jirtaan.
  • 5 sano
Lamaanah ayaa hadana seddex sano ka dib gala xili adag  oo wata
culays u gooni ah. Waa hada marka la dhaho lamaanahani waxa ay is qabeen
shan sano oo waxa ay galeen xili adag oo khatar ku ah wada joogooda
keeni karana in ay kala tagaan.

Xiligan ayaa lamanaahu waxa ay aad ugu mashquulsan yihiin sidii ay u
samaysan lahaayeen kaariyeer (horumar shaqsiyan ah), waqti badana
galiya danahooda gaarka ah si aay wax usoo saaraan.
Waa xili wax kasta ay noqdeen caadi oo xiisuhu dhamaaday, dareenkii
ku salaysnaa in la isa soo jiito oo la is kool kooliyana yaraaday. Isku
daya in aad iska  farxisaan, isu samaysaan wax aad iskaga dhigaysaan
surprize. Hana u arkin lamaanahaaga mid aad markasta adigu leedahay ee
biyaha u badi geedka jacaylka ee aad wada beerteen.
  • 10 sano
Tobban  sano ka dib, marka guurkii dhacay, caruurna la dhalay ayaa
waxa bilaabmaya su’aal cusub oo ah “ma sidan ayuun bay ahaanaysaa
noloshu?” In su’aashaas iyo kuwa kale oo badan ay lamaanayaashu iska
waydiiyaan xaalada ay ku jiraan ayaa ah mid caadi ah, yimaadana marka la
isqabo 10 sano.
Aad u qiimeeya xaalada aad ku jirtaan iyo arimaha aad caado ka
dhigateen. Ma jeclaan la hayd in aad si fudud u lumiso waqtigaa qiimaha
badan ee aad la qaadatay lamaanahaaga?
  • 15 sano
Waqtiga ugu dambeeya ayaa ah marka la isqabo 15 sano. Waa waqti soo
koobaya xaaladaha kala duwan ee la soo maray, caruurtiina ay waa
waynaadeen, waqtina la isu helayo. Waa waqti lamaanayaashu helaan fursad
uu ku gaadhi karaan waxa ay ku jeclaan lahaayeen in ay noqdaan.

Mana haboona in la is ilaawo oo xooga uu saaro lamaano kastaa waxa
kaliya ee xiisaynayo. Hadii uu lamaanuhu noqdo mid naftiisa oo kaliya ka
fikiraya ma u fiicna xiriirka ka dhexeeya labada is jecel.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com