Uncategorized

Sanad guurada 40-aad qorista Afka Soomaliga “Maqaal”

iftineducation.com – 1972-kii waxay ahayd markii ugu horaysay ee laqoro afka soomaliga,oo wixii xiligaas ka horeeyay aan la hir gelin kadib markii ayguulo wax ku ool ah ay kagaartay xakuumadii uu hogaaminayay eebe weyne haw naxariistee maxamed siyaad bare.

Hadaba waxa ugu weynaa guulahaas qorista afka soomaliga oo dalka oo dhan laga hir geliyay isagoo wax badan taray wax barashadii dadka soomaliyeed uuna kordhiyay dhadhana u yeelay, sababayna in wax barashadii labalaariyo Xukuumadii jaalle maxmed siyaad barre waxay go, aamisay in la aasaaso gudi luuqadeed oo qabanqaabiya nooca qoraalka afka Soomaliga, waxaana gudigaas ka mid ahaa:-

1-Xuseen shiikh axmed kadare
2-Yaasiin cusmaan keenadiid
3-Shire jaamac axmed
4-Ibraahim xaashi maxamud

Inkastoo wax badan laysku hayay in farta afsoomaliga lagu qoro xarfaha carabiga ama kuwa latinka ah waxana ugu damayn la aisku raacay oo la aiku afgartay in la isticmaalo alphabetka latinka ah ee maanta la isticmaalo, taasoo qayb weyn kaqaadatay hormarinta wax barashada dadka Soomaaliyeed waxaana wax tar weyn ku yeeshay suugaanta soomaliyeed, sidoo kale waxay qorista afsomaligu sahashay in ardadii wax ku baranjiray afafka talyaaniga, carabigaiyo englishka inay laqabsadaan barashada qoraalka afsoomaliga oo u fududaa.

Alla ha u naxariistee dowladi maxa,d siyaad waxay dalka oo dhan ku baahisay barnaamijka wax barashada waxaana xiligaas soo baxay ololihii caanka noqday ololihii hormarinta reer miyiga ee qorista farta, kaas oo ay kawada qayb qaateen shaqaalaha dowlada iyo qaybaha kala duwan e bulshada iyadoo hal sano laxiray dhamaan iskuulaadkii oo dhan ardadii oo dhana waxa loo diray miyiga iyo tuuloyinka iyo magaaloyinka inay dadka waaweyn afsoomaliga baraan, muhiimaduna waxay ahayd afsoomaliga in lafidiyo oo la hirgeliyo dadkana in qoraalka lagu baro, qofkastoo soomali ahna uu wax qori karo uuna akhrinkaro.

Hadaba ololihii hormarinta reer miyiga waxaa ka aflaxay dad tira koobkooda ay dawladii xiligaasi ku sheegtay 1,257,770qof horumarkii dhinaca waxbarashada iyo tacliinta sare ee ay ku talaabsatay dowladii uu hogaaminayay max,d siyaad intay jirtay waxaa kamid ahaa baahinta jaamacadaha dalka iyadoo ay dawladii hirgelisay jaamacadii umada soomaliyeed oo ka koobnayd kuliyado lagu baranayo qaybaha kala duwan ee culuumta waxa ayjaamacada ardaydu ku dhigan jireen lacag la’aan.

Gunaanad

Gabagabadii qorista afkena waxa xilweyn iska saaray ilaahy jano hasiiyee madaxweynihi umada soomaliyeed jaalle maxamed siyaad bare oo aan dhihi karno nooleeyihii jiritaanka afkeena waxaa xusid mudan in 17dec2012 lagu qabtaymagalada jabuuti ee dalka jabuuti munaasibad ay isugu yimaadeen ergooyin mela kala duwan isga yimid uu kamid yahay madaxweynaha haatan talada haya mudane xasan sheekh iyo qayb kamid ah maamulada dalka kajira iyo naadiga somalipen halkaaso lagu xusayay ama logu dabaal degayay qorista afkeena 40 jirsaday,waxana ay kusoo beegmatay xili aanu dalku midaysnayn, sida la shegayna dabaldegasu waxa uu socon doona maalmo laguna soo ban dhigi doono buugaag iyo suugaan kala duwan, warbaahinta dalka kajirtaa waxay soo bandhigatay khudbado ay jeediyeen madaxdii halkaasi ku sugnaa oo iyagu keliya ku dheeraaday 40guurada kasoo waregtay afkeena oo aad moodo in layska ilaway xuskii halgamaagii qaranka oo isagu ahaa ninkii beeray mirahaas maanta loo dabaal degayo.

“Ninkii timir abuuriyo kii tiin talaalaba taariikhdu way werin”

Waxaa Qoray:-
Maxamed Axmed Derebad






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com