Uncategorized

Rabshado Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Borame

iftineducation.com – Banaanbaxyo ka dhacay Boorame maanta ayaa looga soo horjeedaa inaan xilka loo dhaarin dadkii lagu doortay doorashadii Saylac ee Somaliland. Natiijooyinkii doorashada kadib, ayaa la daahiyay in dadkii ku soo baxay doorashada Saylac in loo dhaariyo xilalkoodii.
Arrintan aya aka xanaajisay dadka reer Boorame oo bannanbax sameeyay. Masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo booqday Boorame ayay dadkii banaanbaxayay rabshado ku sameeyeen, taasoo keentay in ilaaladii masuuliyiinta ay xabado ku furaan dadka rabshadaha samaynayay oo weeraray baabuurta iyo masuuliyiinta Hoteelkooda. Hal qof ayaa dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen xabadaha ay askarta rideen.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com