Uncategorized

Ninyahoow Xiliga Haasaawaha Ka fogoow Qodobadaan Sababayo In Lamaanahaada Aay Ku nacdo Sida…

iftineducation.com – Waxaa jidho qodobo lagu adkeeynayo in wiilka uu ku dhaqmo xiliga uu ku jiro haasaawaha, ogoow qodobadaasi hadii aaad la imaan waaysid waxaa dhici karto in adiga iyo lamaanahaada xiriirkiina kusoo af jarmayo haasaawe, hadhoowna aad la yaabto ama aad garan waaysid sababta aay kuu nacday gabadhii aad u haasaawe tagi jirtay.

Waxaa lagama maarmaan ah ninka markuu haasaawe u tagayo gabadh uu jaceylyahay inuu la shir tago asagoo isku kalsoon shabakada kobciye.com waxeey kusiineeysaa qodobo muhiim ah oo lama huraan ah inaad ka fogaato xiliga aad u shukaansi tageysid heblaayo.
A – Ka fogoow in ficiladaada iyo hadalkaaga aay isku noqdaan lid oo aay noqdaan labo kala fog oo is khilaafsan, dumarku weey necebyihiin ninka ku yiraahdo aniga adiga keliya ayaan kugu koobanahay, hadana mobilkiisa gacanta markii aay baarto aay ku aragto sawiro gabadh kale ama number uu kugu qoranyahay my darling, my wife, my baby, iyo wixii lamidka ah ee aay isticmaalaan dhalinta xiligaaan, taasi waxeey sabab u noqotaa in ficiladaada iyo hadalkaaga is khilaafaan halkaasina waxaa ku aasmayo jaceylkii aad ku hami weeyneyd.
B – Ninka aan nadaafada laheyn, qaasatan dumarku waxeey aad u necebyihiin ninka afkiisa soo urayo, hadaba ha u haasaawe tagin adigoo afkaaga 2 maalin aan wax cadey ah lagu jiidin, waayo dumarku waxeey si buuxdo u necbeystaan ninka dhowr habeen kusoo noqnoqdo asagoo wax nadaafad ahi ka muuqan.
C – Ha noqonin nin gabadha ka sugo ineey ayadu hadalka biloowdo, hadii aad teleefan ama si toos ah u sheekeysaneysaan ka fogoow in aad gabadha oo kaliya hadal kasugtaa dumarka xiliga haasaawaha aad beey u necebyihiin raga aamusan ee ayaga uun hadalka ka sugo, noqo mid furfuran oo soo jiidasho leh hadalada adiga u biloow dhankastaba ka mar ugu danbeyn waxaad ku guuleysaneeysaa inaad hantiso qalbigeeda hadalada aad u biloowdana waxeey sababayaan waxyaabo badan oo kaa qarsoonaa dhankeeda inaad ogaato, hadaba ka fogoow aamusnaanta waayo dumarka taasi waxeey ku ridaa iscun cun iyo fikir dheer.
D – Gabadha aad u haasaawe tageysid dareensii inaad aad u daneyneeysid, waxaad xasuusnaataa dumarka mudo 80 sikin oo aay kula joogto ineey ku kala xaqiiqsan karto inaad tahay mid daneynayo iyo mid aanba niyad u haaynin, taasi dumarka cilmiga maadiga ah bartay kuma qaadato in badan ineey ogaadaan damacaada.
E – Ha noqon mid ka hadlo gacmaha, waayo dumarku dhowrsan majeclo ninka jeceyl inuu is raaciyo hadalka iyo gacmaha inuu lasoo galo, waxaa hubanti ah in gabadh kastaa aaysan jecleyn nimanka dhag dhaga badan illaa inyar oo aduunyada hamigoodu qaaday maahee, sidaa awgeed gabadha aad u haasaawe tageysid ka illaali gacan kahadalka kaasoo sababi karo in gabadha aay ku tiraa habeenka xigo madoonayo inaan dib u kulano, xiriirkaadiina halkaasi uu kusoo af marmo.
Intaas ayaan ku ekeeynayaa qodobadii aan kaga hadlayay wiilka u hasaawe tagayo gabadha, qormadaan inaan webka kobciye.com kusoo daabaco waxaa igu kalifay fariimo badan oo iga soo gaaray dhalinta xiliga haasaawaha dhex maquuranayo, kuwaasoo igu eedeeyay inaan u badanahay dhankaasi iyo lamaanaha is qabo inaan xiriirkooda oo keliya sii adkeeyo.
Ogoow waxaan ku fikirayay inaan mar weliba hormariyo tallooyinka lamaanaha is qabo si caruur badan aaysan u waaynin daryeel hooyanimo iyo aabonimo iyo in labo qoys aay isku xumaadaan, waayo lamaanaha isku cusub ee ku jira xiliga haasaawaha uma baahno talooyin badan waayo xiligaasi wiilka ama gabadha asagaaba raadinayo siduu si buuxdo ugu qancin lahaa lamaanaha, lakin kuwa isqabaa waxaa mashquulinayo aduunyo iyo nolol maalmeedka sidaasi awgeed waa inee helaan qodobo xasuusinayo jaceylkooda.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com