Uncategorized

Mo Farah oo loo diiday inuu galo Mareykanka

iftineducation.com – Orodyahanka caanka ah ee reer Britain asalkiisuna yahay Soomaali Mo Farah ayaa lagu xiray garoon ku yaalo magaalada Portland ee Oregon, iyadoo sababtana lagu micneeyay in la baaro taariikdiisa danbe maadaama uu ku dhashay Soomaaliya oo dowladda Mareykanka aad ugu tuhunsan tahay meelaha ay argagaxisada ka timaado.

“Markasta oo aan imaado Mareykanka sidaan ayaa la ii joojiyaa waxaan u sheegay inaan ahay Mo Farah oo aan ku guuleystay biladahii orodka dheeraa ee Olympic-ada London (5000 iyo 10000) laakiin ma aysan igu kalsoonaan” ayuu yiri Mo Farah oo markii danbe wareysi dheer lasii daayay.

Qorshahan lagu joojiyay Mo Farah oo ay wehlinayaan caruurtiisa iyo xaaskiisa ayaa ka mid ah qaynuun ay dowladda US soo saartay iyagoo joojiya cid kasta oo Muslim asalkiisu yahay, Ma ahan Mo kaliya waxaa sidoo horey loo joojiyay si loo baaro muslimiin caan adduunka oo aan argagaxiso shaqo ku lahayn sida Jilaaga reer Bollywood Shahrukhan iyo Heesaaga reer Britain Yuusuf Islaam oo ah mid ah soo muslimay.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com