Uncategorized

Mo Farah Oo Ku Gacan Seyray Abaal Marinta BBC Sports Personality Ee Shaqsiyadda Sanadka

iftineducation.com – Mo Farah ayaa ku gacan seyray abaal marintii BBC Sports Personality ee shaqsiyadda sanadka ee ciyaaraha la siiyo.
Mo ayaa la filaayay inuu yahay qofka kaliya ee sanadkaan u dhaw inuu ku guulaysto abaal marintaan iyadoo ay waliba warbaahinta UK ay aad u hadal yahay inuu yahay ninka ugu dhaw inuu helo abaal marintaan.
Shicibka oo telefoonka ka codeynayay ayaa markii ay qadka telefoonka ka codeeyeen ka dib oo ay xirantay codeytii isla markaana lagu dhawaaqay waxaa kaalin koowaad helay Bradley Wiggins oo ah nin ku carara baaskiilka (cyclist) halka kaalinta labaad ay gashay Jessica Ennis oo sameysa boodinta fudud ugu danbeyntiina waxaa kaalinta seddexaadna galay Andy Murray oo ciyaara tenniska.
Mo Farah oo aad u labisnaa isla markaana gacanta ka haystay xaaskiisa Tania iyo gabadha uu adeerka u yahay Rihanna ayaa ku sugnaa goobta, Mo iyo Rihanna ayaa inta aysan furmin xafladda sameeyay tradekii uu caanka ku ahaa ee MoBot.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com