Uncategorized

Miizaaniyada dowlada ee 2013-ka oo la’ansixiyay kadib isbedel lagu sameeyay, xafiisyada qaar oo lacagihii laga dhimay qaarna loo badiyay (Aqri xafiisyada lacagaha laga dhimay iyo kuwa loo kordhiya

iftineducation.com – Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen miizaaniyada sanadka fooda nagu soo haya, kadib markii wasiirra wasaarada Maaliyada uu wax ka bedel kusoo sameeyay markii baarlamaanku maalma kahor diideen ansixinteeda.

Miizaaniyada la’ansixiyay ayaa waxaa lasheegay in isbedel xoog leh lagu soo sameeyay, iyada oo xafiisyada Madaxweynaha, R/wasaaraha, iyo wasarada arimaha gudaha laga dhimay lacago gaaraya min 1-milyan oo doolarka mareykanka ah, sidoo kalana wasaarada horumarinta Bulshada lagu kordhiyay 3-malyan in kabadan, waxaana ciidamada qalabka sida loogu daray qarashkii horay loogu qoondeeyay 11,238,000 oo doolar.

177 mudane ayaa xaadir ahaa fadhiga 43-aad ee kalfadhiga 1-aad waxaana codka gacan tagga ah ku ogolaaday 176, hal xildhibaan ayaa ka aamusay mudane diidayna majiro, sida uu ku dhawaaqay gudoomiya ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo shir gudoominayay kulankii maanta.

Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu maalma kahor codka kalsoonida ah u diiday miizaanida kadib markii ay kabiya diideen qaabka loo qoondeeyay.

guud ahaan 109-milyan oo doolar ayaa lagu sheegay miizaanida 2013-ka ee dowlada Soomaaliya, waxaana lafilayaa qarashkaasi qeybo kamid ah ay kayimaadaan dalka dibadiisa.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com