Uncategorized

Madaxwyanha Somaliya oo maanta la kulmi doona Madaxda Turkiga

iftineducation.com – Waxaa maanta la filayaa in kulan looga arinsanayo Arimaha Soomaaliya iyo xariirka u dhaxeeya Wadamada Soomaaliya iyo Turkiga uu dhaxmari doono Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud, iyo Wafdi uu hugaaminayo iyo Rai,sal Wasaaraha Turkiga Rejjeb Deyib Erdugan.
Kulankaa labada dhinac dhaxmarayo ayaa la sadaalinayaa in uu yahay mid xooga aay ku saari doonaan sidii Turkiga uu gacan wayn uga gaysan lahaa xaaladaha ka jira Dalka Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin laha xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya waxna madaxwynaha Soomaaliya la filayaa in Xukuumada Turkiga uu hordhigo qorsahiisa ku aadan afarta sano ee soo socota .
C/qaadir Maxamed Nuur oo ah Xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in wasiirada arrimaha dibadda iyo gaashaandhiga oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ay iyaguna la kulmi doonaan labada wasiir ee dhigooda ah iyagoo la filayo in aay kala arin san doonaan arima u badan tahay aminga iyo xoojinta Siyaasda Dibada.
Maalintii shalay ayaa gaareen Wafdiga uu hugaaminayay Madaxwyanaha Soomaaliya dalka turkiga waana kulan kiisii ugu horeeyay ee uu ku gaaro Dalka turkiga tan iyo markii la soo magacaabay waxaana la filayaa inta uu joogo Dalka turkiga uu kulan la qadan doono dhigiisa Dalka turkiga Cabdallah Gou.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com