Uncategorized

Madaxweynaha Jabuuti oo ku qasbay Siilaanyo inuu gadaal ka istaago Madaxweyne Xasan Sheekh+SAWIRO

iftineducation.com – Madaxweynaha
Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ilaaliyay Nidaamka xeerka caalamiga
ah
kadib markii uu ka diiday Madaxweynaha Maamulka Somaliland inuu si garbo siman
ah u wada socdaan isaga waa Madaxweyne Geelle, Xasan Sheekh Maxamud iyo
Siilaanyo.


Siilaanyo
ayaa markii dambe lagu qasbay inuu gadaal ka soo raaco Wafdiga Madaxweynaha
Soomaaliya iyo xubnihii la socday Madaxweyne Geelle  markii ay ku sii socdeen furitaanka Xafladdii
Sanadguuradii 40 aad markii la qoray af soomaaliga oo maanta ka dhacday dalka
Jabuuti.



Nidaamka
Baritikoorka ayaa waxaa uu dhigaya in Madaxweynayaasha Gadaashood ay socon
karaan xubnaha kale ee haaya wixii ka hooseeya jago Madaxweyne taasi ayaa ku
qasabtay Siilaanyo oo xad iyo jeer ku dooda kala goynta Soomaaliweyn in uu
gadaal ka istaago Labada Madaxweyne.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com